Faahfaahin: Safar Raysal-wasaaraha Soomaaliya ku tegay magaalada Marka

Marko(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Marka ee xarunta gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka, wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiisha ciidanka dawladda, AMISOM iyo qaybaha bulshada.

201457635350577531044518Marko2 201457635350579018700591Marko5 201457635350579939921897Marko9 CABDIWALI SHEEKH AD

Soo-dhawaynta kaddib ayuu ra’iisul wasaarahu kulan albaabadu u xiran yihiin la qaatay maamulka gobolka Shabeellaha Hoose iyo saraakiisha Somalia iyo kuwa AMISOM; kuwaasoo uu ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda gobolka, iyadoo intii uu kulanku socday la isla soo qaaday la-dagaalanka Al-shabaab iyo hawl-gallada ay ciidamaddu kawadaan gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur (Siidii) oo ka hadlay kulanka soo-dhawaynta ah ayaa ra’iisul wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu kusoo gaaray Marka.

”Waan ku faraxsanahay mudane ra’iisul wasaare booqashada aad maanta noogu timid, waxaan filaynaa muddada aad nala joogto inaad wax badan ka ogaan doonto xaaladda gobolka Shabellaha Hoose oo runtii ay ka jiraan baahiyo dhinacyo badan leh,” ayuu yiri C/qaadir Siidii oo dhanka kalena sheegay in gobolka iyo magaalada Marka ay dhibaatooyin weli ku hayso Al-shabaab.

Xildhibaan Cllaahi Cumar (Abshiroow) oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheeagay in dagaalladii ka dhacay degmada iyo dhibaatooyinka kale ee Al-shabaab ay ku hayso deegaanka ay saameyn ballaaran ku yeesheen nolosha dadka.

“Mudane ra’iisul wasaare kusoo dhawoow magaalada Marka, farxad ayayna noo tahay inaan kugu soo dhaweyno Marka Caddeey, shacabkii degmada ku noolna dhammaantood waa ku sugayeen. Degmadan markii ay Al-shabaab ka baxay waxay ku reebeen dhibaatooyin badan, waxaan filaynaa in socdaalkaagu uu fur-furi doono Marka, xag dhaqaale iyo xag siyaasadeed labadaba magaaladu aad bay u liidataa,” ayuu yiri xildhibaan Abshiroow.

Ugu danbayn waxaa munaasabadda soo xiray ra’iisul wasaare C/wali Sheekh oo shacabka iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose uga mahadceliyey soo-dhaweynta loo kala harin ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, wuxuuna ballan-qaaday in xukuumaddiisu ay wax badan ka qaban doonto baahiyaha gobolka.

“Waxaan u mahad-celinayaa wafdigii iga soo horreeyay sida guddoomiyaha gobolka, wasiirrada, xildhibaannada iyo madaxda kale ee isku hawshay inaan maanta halkan safar ku imaado. Waa jirtay marar badan oo aan ku noolaa Marka iyo waqtiyo aan dalxiis u imaan jiray, balse maanta waa ka duwan tahay oo shaqo Qaran oo runtii aad u adag ayaan u nimid ujeedkayaguna waa in dhibka haysta dadka reer Marka iyo guud ahaan Shabellaha Hoose aan la aragno kalana shaqayno sidii wax looga qaban lahaa, isla markaana natiijo looga gaari lahaa xaaladda uu ku sugan yahay gobolkan Shabeelle Hoose. Wuxuu gobolku hormuud u yahay horumarka iyo dhaqaalaha dalka, waxaana soo gaaray burbur aad u ballaaran sida gobollada kale ee dalka uu saamaynta ugu yeeshay bur-burku,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo dhanka kale sheegay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay wax ka qabanayso dib-usoo-noolaynta ilaha dhaqaalaha iyo amniga gobolka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa booqday ku tagay Isbitaalka weyn ee Marka; halkaasoo ay ku jiraan dad waxyeello ka soo gaartay dagaaladii ka dhacay gobolka iyo falalka argagixisadu waddo, wuxuuna mid u booqday dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay isbitalka guud wuxuuna warbixin ka dhageystay hawl-wadeennada isbitaalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa gaba-gabadii sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyad gaar ah siinayso inay daryeelka caafimaad helaan dhammaan bulshada Soomaaliyeed; isla markaana dadaal gooni ah u geli doonto sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira isbitaalka guud ee magaalada Marka.

Xigasho Hiiraan.