Daawo: Barnaamij laga diyaariyey Taariikh-nololeedkii iyo hoggaamintii Marxuum Cigaal

Hargeysa(Aftahannews):- Iyada oo ay maalinta Sabtida ah ee Berri ku beegan tahay xuska 12-guurada ka soo wareegtay maalintii uu geeriyooday Allaah ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynihii labaad ee Somaliland oo geeriyooday 3-da Bishii May 2002-dii, ayaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij xiiso badan oo laga sameeyey taariikhdii iyo hoggaamintii Marxuumka.

Allaah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa Siyaasi Ruug-caddaaya oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladihii Soomaaliya oo uu illaa heer Raysal-wasaare ka gaadhay, isagoo ku suntay halgankii Xornimada ee Somaliland xornimada kaga qaaday Boqortooyadii Ingiriiska iyo sidoo kale midawgii Soomaaliyadii Talyaaniga ee Koonfurta iyo Soomaalidii Ingiriiska ee Somaliland, ayaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Barnaamij gaar ah oo uu Weriye Madar Cabdi Axmed ka diyaariyey taariikh-nololeedkii iyo Hoggaamintii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Halkan hoose ka daawo barnaamijkaas oo xiiso, xusuus iyo xog-ba xambaarsan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.