Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka hadley geerida ku timid Cumar Carte Qaalib

Marxuum Cumar Carte Qaalib
Marxuum Cumar Carte Qaalib

Hargeysa (Aftahannews)- Qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ayaa ka hadley islmarkaana ka tacisyeeyay geeridii ku timid Cumar Carte Qaalib oo ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ilaa iyo haatan kamid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyeeyay geerida maanta ku timid Cumar Carte Qaalib.

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in Cumar u ahaa nin si daacadnimo ugu soo shaqeeyay shacabka soomaaliyeed kana soo shaqeeyay dib u heshiisiinta dadka.

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ka tacsiyeey geerida Cumar Carte, wuxuu sheegay in uu lagu xusuusan doono kaalintii uu ku lahaa xoojinta arrimaha diblumaasiyadda Soomaaliya.

Dhanka kale, wasiirkii hore ee waxbarshada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ku tilmaamay Cumar in u ahaa nin nabadoon ah oo dalka iyo dadkiisa u soo shaqeeyay.

Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku tilmaamay Cumar Carte in uu kamid ahaa ‘Diblomaasiyiintii ugu cuslaa, ugu saameynta badnaa uguna galgalka badnaa ee soo mara taariikhda gayiga Soomaalida, tan geeska Afrika iyo dunida Muslimka’.