Dad rayid ah oo ku dhintay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM kaddib qarax lala eegtay

Muqdisho (Aftahannews)- Ugu yaraan saddex ruux oo rayid ah ayaa lagu waramayaa in ay u dhinteen rasaas ay ku fureen ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lala eegtay

Ciidamada ayaa lagu waramayaa in qarax lagula eegtay gudaha degmada Karaan iyaga oo intaa kaddibna furay rasaas haleeshay dad rayid ah goobta ka agdhawaa.

Sidoo kale ciidamada ayaa muddo kooban xidhay isku socodka agagaarka qaraxa lagula eegtay lamana oga khasaaraha dhinacooda ka soo gaadhay qaraxa.

Dadka rayidka ahaa inta badan dhibaato xooggan kala kulma qaraxyada lala eegto gaadiidka ay la socdaan ciidamada oo qaraxa kaddib ku jawaaba rasaas culus oo sababta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.