Wiil Soomaali ah oo si xun loogula dhaqmay magaalada Manchester

London (Aftahannews)- Maamulka Jaamacadda Manchester shaqada ka joojiyay askar ka tirsan ilaaladooda oo lagu eedeeyay “inay cunsurinnimo kula dhaqmeen” arday.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii baraha bulshada lasoo galiyay muuqaal laga arkayo Zac Aadan – oo ah arday dhigta sanadka koowaad – oo darbi wajiga loo saaray kaddibna ay ilaalada weydiinayaan inuu soo bixiyo shaqrcigiisa aqoonsiga.

Aadan ayaa sheegay in lagu eedeeyay inuu yahay “qof u eg dadka daroogada ka ganacsada”, isagoo arrintaasna mas’uuliyaddeeda siiyay howl-wadeennada dhismaha Fallowfield ee jaamacadda.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay inay hadda baadhayaan “dhacdadaas halista ah”.

“Si aad ah ayaan uga walaacnay muuqaallada la shaaciyay,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay maamulka Jaamacadda.

“Waan la hadalnay ardayda ay arrintan ku dhacday, waxaan billowday baaritaan buuxa, waxaana shaqada ka joojinnay ilaaladii ku lugta lahayd dhacdadaas, haddana waxaa la sugayaa natiijada baadhitaanka.”

Aadan oo heysta dhalashada Faransiiska ayey waalidiintiisa kasoo jeedaan Soomaaliya, sida uu BBC-da ugu sheegay wareysi gaar ah oo aysan helin warbaahinta kale.

“Waalidiinteyda waxay qaxooti ahaan uga imaadeen Soomaaliya, wax walbana waxay u sameeyeen si aan wax uga barto jaamacaddan awgeed,” ayuu yidhi.

Wuxuu intaas ku daray in uu yahay qofkii ugu horreeyay ee qoyskiisa ka tirsan oo Jaamacad wax ka barta.

“Waxaan ahay qofkii ugu horreeyay ee qoyskeyga u aada Jaamacad, sidaas awdeed waxay ii tahay guul aan gaadhay – laakiin marka ay reerkeyga maqeen in waxyaabahan oo kale ay dhaceen, waalidkeyga waxay hadda iga baryayaan inaan guriga dib ugu soo laabto.

Arrinta ku dhacday ayuu sheegay in ay tahay mid aan ku habbooneyn ardayda isagoo kale ah, tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyayna uu dhibaatooyin dhinaca nolosha ah dareemayay.

“Waa wax laga yaqyaqsoodo, hurdo la’aan ayaa igu dhacday. Waxaan argagax ka qaaday xaaladdaas,” ayuu yidhi. “Waxaan aaminsanahay in tani ay tusaale u tahay cunsuriyadda, waxayna dhaawaceysaa horumarka ardayda.”

Sidey wax u dhaceen?

Mar uu Aadan ka laabtay dukaan ku yaalla jaamacadda agagaarkeeda, ayaa albaabka jaamacadda lagu weydiiyay kaarkiisa aqoonsiga, sida uu BBC-da u sheegay.

“Aqoonsigeyga waxaan ku watay gacanta waxana isku dayeen inay xoog iiga faro-maroojiyaan. Intaas waxaa xigay in islamarkiiba darbiga wajiga la ii saaray,” ayuu yidhi.

Zac wuxuu sheegay in dhammaan ardayda jaamacadda la weydiiyo kaararkooda aqoonsiga marka ay albaabka galayaan.

“Ma jirin wax wadahadal ah oo na dhex maray. Darbiga ayey igu nabeen waxayna ii sheegeen inaan u ekahay qof daroogada ka ganacsada. Sababtu maxay tahay? Waayo waan madoobahay jaakad ayaana xiranahay miyaa?”

Muuqaalka la faafiyay ayaa laga arkayaa ciidanka ilaalada oo kasii dhaqaaqaya kaddib markii ay arkeen kaarkiisa aqoonsiga.

Mr Adan ayaa sheegay in uu UK soo dagay dhowr sano ka hor markii uu kasoo guuray Talyaaniga, “marar badanna uu la kulmay cunsuriya”.

Laakiin wuxuu intaas ku daray in “Britain ay tahay mid ka mid ah dalalka ugu soo dhaweynta fiican, uuna aaminsan yahay inay ka mid tahay waddamada kaalmaha ugu horreeya uga jira dhinaca aqbalitaanka ajaanibta. Laakiin marka ay arrimaha noocan oo kale ah dhacaan ay sharaf dhac u keenayaan waddanka oo idil.”

Wuxuu maamulka Jaamacadda Manchester ka dalbaday inay raalligalin ka bixiyaan dhacdadaas, isaguna uu doonayo inuu la hadlo maamulaha ugu sarreeya.

“Waxaan rabaa in la ii oggolaado inaan nabad ku noolaado hoygeygana aan ku galo nabadgalyo, mana doonayo inay i joojiyaan oo tacaddi ii geystaan dad aan lacag ku siinno inay i amnigeenna sugaan,” ayuu yidhi.

Afhayeen u hadlay maamulka Jaamacadda, oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa yidhi: “Maalintii Sabtida, oo ay taariikhdu ahayd 14-kii November waxaa nalagu soo wargaliyay dhacdo halis ah waxaana si deg deg ah u billownay baadhitaan.

“Si joogto ah ayaan ula xidhiidheynay cidda ay arrintan saameysay, waxaana si joogto ah ula socodsiin doonnaa halka ay wax marayaan.

“Nabadgalyada iyo fiyoobida ardaydeenna waxaan mar walba siineynaa mudnaanta koowaad, arrimaha noocan ahna waxaan u qaadannaa si dhab ah.”