Qaramada Midoobay oo Shaacisay Xaddiga Dhaqaale ee Al-Shabaab ka soo gala Cashuuraha

QARAMADA MIDOOBAY
QARAMADA MIDOOBAY

New York(aftahannews):- Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ee ka dagaallanta dalka Soomaaliya ay malaayiin doollar ka hesho cashuuraha ay Dadka ka qaadaan, dhaqaalahaas oo ku kaydsadaan Bangiyada maxalliga ah.

QARAMADA MIDOOBAY
QARAMADA MIDOOBAY

Warkan, ayaa laga soo xigtay warbixin cusub oo ka soo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay. Guddi khubaro ah oo ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya, ayaa soo saaray warbixintan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul ka mid ah.

Warbixinta, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab gudaha u galeen Dekedda magaalada Muqdisho, iyagoo si hoose u qaata cashuuraha badeecadaha Dekedda ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya.

Guddiga warbixintan soo saaray, ayaa dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya, waxaanay sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaaddo tillaabooyin ay ku casriyeyneyso bangiyadeeda si kooxaha sida Shabaab ee cunaqabateynta saaran aysan uga faa’iideysan daciifnimada nidaamka.

“Adeegsiga Al-Shabab ee nidaamka bangiyada wuxuu awood u siinayaa in si dhaqso ah loogu gudbiyo dhaqaalaha.” sidaa ayaa lagu yidhi warbixintan laga soo xigtay Guddiga ka tirsan Qaramada Midoobay.

Muddadii warbixinta lagu jiray, oo laga soo billaabo Diseembar illaa iyo Ogosto 2019, qorayaasha warbixintu waxay sheegeen inay heleen caddeyn muujineysa in Al-Shabaab uu u soo xarooday dhaqaale dhan 13 milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Qiyaastii $ 2.4 milyan ka mid ah lacagtan waxaa la sheegay in ay kasoo xarootay kantaroollada Al-shabaab ee gobolka Jubbada Hoose, halka $ 5.8 milyanna laga soo aruriyay Dekedda Kismaayo.

aftahaninc@gmail.com

https://aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.