ITOOBIYA: Bukaanno Buux-dhaafiyay Xarunta Lagu Dabiibo Dadka Qaba Covid-19

Addis-Ababa (Aftahannews)-Saraakiisha xarunta ugu wayn ee lagu dabiibo dadka uu soo ritay feyriska Corona ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ay sheegeen in xaruntaasi ay buuxsamayso sababa la xidhiidha kiisaska fayraska karona oo sare u kacay.Saraakiisha caafimaadka dalkaasi ayaa sidoo kale waxay sheegeen in bukaanno cusub aysan imika qaabili Karin.

Agaasimaha xarunta Millennium Hall’s medical Dr Wuletaw Chanie ayaa BBC-da u sheegay in qeybta la dhigo dadka xaaladoodu ay culus tahay ama u baahan qalabka neefsashada ay imika qarka u saaran tahay iney buuxsanto.

Dr Chanie ayaa sheegay in xaruntan lagu daweeyo dadka uu ku dhaco feyriska Corona ay buuxsami doonto muddo toddobaad gudihiis ah, islamarkana aysan qaabili Karin bukaannada cusub ee u baahan qeybta xaaladaha culus, sida kuwa u baahan qalabka neefsashada.

Xaruntan ayay dhakhaatiirtu sheegeen in maalinkii ay qaabisho 20 bukaan oo ah dad uus oo ritay fayraska corona.

Waxaa xaruntan ku taala magaalada Addis Ababa imika lagu daweynayaa 200 oo bukaan.

In ka badan kala bar bukaannada xaruuntan ku jira ayaa waxaa ku xiran qalabka dadka ka Kaaba neefsashada.

Tirada bukaanada uu soo ridanayo fayraska Corona ayaa sare u sii kacaysay muddooyiinkii ugu dambeeyay .

Bishaan Agoosto oo kaliya waxaa dalkaasi laga diiwaangaliyay 25,000 oo kiis.

Sida ay sheegtay wasaaradda ee dalka Itoobiya waxaa dalkaasi ilaa iyo imika laga diiwaangaliyay in ka badan 42,000 oo.

Kiisaskan ayaa intooda badan laga helay caasimadda dalkaasi ee Addis Ababa