Xoghayaha guud ee QM oo war kasoo saaray xil ka qaadistii Khayre iyo doorashooyinka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xil ka qaadistii uu golaha shacabka Soomaaliya ku sameeyey ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.

António Guterres, oo soo saaray warbixinta QM ee xaaladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay in xil ka qaadista deg degga ah ee Kheyre ay waxyeeleyn karto heshiisyadii lagu gaadhay shirkii Dhuusamareeb.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka welwelsan yahay inay waxyeeleyso howlgallada amni iyo kuwa siyaasadeed ee kala guurka ah ee socda, iyo sidoo kale isbedelladii amni iyo dhaqaale ee uu hoggaaminayey Kheyre.

“Waa muhiim in la dhowro heshiisyadii ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaadheen Dhuusamareeb, iyo wakhtiga kulamada xiga ee lagu ballamay,” ayuu yidhi.Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey António Guterres.

António Guterres ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyey inay muhiim tahay in doorashooyinka Soomaaliya ay noqdaan kuwa ay heshiis ku wada yihiin, dowladda dhexe, dowlad goboleedyada, baarlamanka, xisbiyada siyaasadda iyo dhammaan saamileyda siyaasadda Soomaaliya.

“Hogaamiyayaasha federaalka iyo kuwa gobollada waxaa dhammaantood ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay dalka isku hayaan, kuna hagaan isu-tanaasul siyaasadeed,” ayuu yidhi.António Guterres.

Waxa uu ugu dambeyn ku baaqay in heshiis deg deg ah la gaadho si doorashooyinka baarlamanka ay ugu dhacaan wakhtigooda, oo ah bil ka hor dhammaadka muddo xileedka xildhibaanada imika oo ah bisha December, taasi oo macnaheedu yahay in la qabto ka hor November.