Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo ka hadley nuxurka warqad ku saabsan qabsoomida Doorashooyinka oo uu Madaxweyne Biixi u gudbiyay

Hargeysa (Aftahannews) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Somaliland Garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa ka hadley nuxurka warqad Madaxweynaha Somaliland u gudbiyay, taasi oo uu kaga dalbanayay inay go’aan ka soo saarto qabsoomidda doorashada Golaha Wakiillada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo waraysi siinayay Telefishanka Saab ayaa sheegay in dacwadda uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay Maxkamadda Sare, nuxurkeedu ahaa dacwad ku saabsan Xeerka lagu soo doorto Golaha Wakiilada Xeer lambar 20/2/2005, xeerkan ayaa jidayaynayay in doorashada Gollaha Wakiilada lagu galo hal mar qaabkii lixdankii loo qaybiyay kuraasta Golaha Wakiilada, wixii ka danbeeyana wax-ka-bedel lagu sameeyo, halka ay Maxkamadda Sare ee dalku ayiday xeerkan 2005 tii.

Waxaanu sheegay in go’aanka maxkamadda Dastuuriga ah, ay sida ugu dhakhsaha badan u soo saari doonaan, si doorashadu dalka uga qabsoonto xilliga loo qoondeeyay.

Guddoomiyaha oo dacwadda Madaxweynuhu u soo gudbiyay ka waramaya ayaa yidhi “Wax kale oo doorashada la xidhiidha oo ay Maxkamadu haysaa ma jirto ama uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay. Doorashadu way dhinacyo badan tahay, laakiin waa qodobkaa dabraya, sheegayana in habkaa hal mar lagu galo, wixii ka danbeeyana la badalo. Markaa si ay u furnaato in nidaamkan saami qaybsiga ee barigii hore lagu galay mar labaad lagu gali karo, si ay u furnaato haddii nidaam ka duwan la helana lagu gali karo si ay u furnaato ayaa dacwadda Maxkamadda Dastuuriga loogu soo gudbiyay”

Guddoomiyaha oo la waydiiyay muddo kordhinta Golaha Wakiilada ee Golaha Guurtidu sameeyay iyo heshiiskii saddexda Xisbi Qaran ayaa sheegay in golaha Guurtidu awood u leeyahay in ay kordhiyaan muddada golayaasha Qaranka, halka Xisbiyadu ay leeyihiin door soo jeedineed.

Guddoomiyahu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi  “Waxa dhaqan gal ah oo Dastuuri ah, muddada ay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada iyo Golahooda, wa’ayo waa hay’adda Dastuuriga ah ee arrintaa leh”

Mar Guddoomiyaha wax laga waydiiyay arrinta kootada Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco, waxa uu xusay in arrinta la xidhiidha kootada Haweenku aanay ahayn masalo sharci,  ee ay tahay mid xeer taasina ay tahay shaqooyinka golaha sharci dajinta, waxaanu guddoomiyuhu cadeeyay in aanay Maxkamadda sare hor oolin, dacwadda Madaxweynuhu u soo gudbiyayna ku jirin, arrimaha la xidhiidh muddo kordhinta iyo kootada haweenka iyo beelaha la hayb-sooco.

Ugu danbayn Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Aadam Xaaji Cali waxa uu talo u soo jeediayay dhinacyada ay khusayso doorashadu iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxaanu ku booriyay in marwalba danta guud la eego, guddoomiyaha ayaa carabka ku dhuftay in Somaliland wanaaga, horumarka iyo guusha gobolka Geeska Afrika lagaga majiiranayo ay ku gaadhay is-qancin iyo isku tanaasul, waxaanu kala saafay guddoomiyuhu masuuliyada siyaasiga ah iyo ta sharciga ah “Masuuliyada siyaasadu cidbay saarantahay sida ta sharciga, Dastuurka iyo fasiraadu Maxkamadda Dastuuriga u saarantahay. Ta siyaasaduna cidbay saaran tahay Madaxweynahaa hogaamiya.

Arrinta doorahaduna saddexda xisbi iyo cidii ay la tashanayaan ayay saaran tahay, waxaanan filayaa in ay ku guulaysan doonaan oo ay si fiican u socoto, imikana ay iska gabo-gabo tahay”

“Waxa sharci ah muddo kordhinta golaha guurtidda, waxaana na loo soo gudbiyay waa xeerka doorashada golaha wakiiladda”ayuu yidhi.

Hoos ka daawo muuqaalka