Budhcad badeed Soomaali ah oo afduubtay markab marayay xeebaha bari ee Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews) – Budhcad badeedd Soomaali ah ayaa maanta afduubatay markab ganacsi oo marayey xeebaha Soomaaliya, kaasi oo sitay calanka dalka Panama sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.

Markabka la afduubtay ayaa wuxuu kasoo baxay Dekadda dalka Imaaraadka Carabta, wuxuuna kusoo socday Dekadda Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya sida uu sheegay Muse Saalax oo ah gudoomiyaha Gardafu ee gobolka waqooyi bari ee Puntland.

Weerarka ayaa waxaa gaystay lix nin oo hubeysan. Ilaa hadda si rasmi ah looma ogo tirada shaqaalaha saarnaa markabkaas gacanta u galay budhcad badeeda Soomaalida.

Afduubka ay geysteen budhcad badeeda ayaa kusoo beegmaya xilli Sacuudiga ay Faransiiska kala wareegtay hogaanka taliska ciidamo isku-dhaf ah oo badda Soomaaliya uga howlgala la dagaalanka budhcad-badeeda.

Taliskan oo loo yaqaan CTF-150 ayaa sameeya dabagal, kormeer iyo howlgalo caadi, wuxuuna haystaa 14 illaa 15 maraakiib sida ku cad xogta iyo Istiraatiijida howlgalkan 12-ka sano ku sugan Xeebaha Soomaaliya.

Maadaama dowlado kala duwan ay qeyb ka yihiin isbedelada dhanka hogaanka ayaa dhaca afar illaa lixdii bilood hal mar; joogitaankooda ug badan waa Gacanka Cadan, halkaasoo dhaqdhaqaaq ay ka sameeyaan si ay uga hortagaan falalka lidiga ku ah maraakiibta caalamiga ah.

Bishii August sanadkii 2008-dii ayaa la sameeyay howlgalkan ka dib markii ay aad u soo kordheen weerarada iyo qafaalashada maraakiibta oo ay gaysanayeen budhcad badeed Soomaalida ahi.