Madaxweyne Waare: “Waa niyad-jab weyn iyo kala-tag hadduu qabsoomi waayo Shirka Dhuusamareeb..”

Dhuusamareeb (Aftahannews) – Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa niyad xumo iyo kala tag weyn ku tilmaamay haddii uu qabsoomi waayo wajiga saddexaad ee shirka loo balansanyahay inuu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb si go’aan midaysan looga gaadho doorashooyinka Soomaaliya ee soo socda.

Inkastoo madaxweynaha Hirshabeelle uu rajo ka muujiyay qabsoomida shirkaas, hadana wuxuu sheegay baaqashadiisa in ay keeni karto faro galin shisheeye iyo in loo arko in Soomaalida ayna dhexdeeda tashan karin.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay shirkaas qabsoomdiisa in ay ku xidhan tahay sida uu u shaqeeyo guddiga farsamada ee loo xilsaaray, isagoo caddeeyay in madaxweynayaasha dowlad goboleedyadu ay diyaar u yihiin xagooda.

“Waxaan ku bogaadinayaa guddiga wakhtiga yar uu haysta iyo tallaabooyinka uu qaaday,” ayuu yidhi madaxweyne Waare oo ka hadlayay kulan uu la qaatay guddiga farsamada doorashooyinka.

Wakhtigii la iskugu iman lahaa shirka Dhuusamareeb ayaa maalinta berrito ku beegan, iyadoo ayna weli muuqan in shirka furmidoono, balse madaxtooyada Soomaaliya ayaa caddeysay in shirku dhicidoono wakhtigii loogu talo galay.