Wasiir ka tirsan Xukuumaddii la Riday ee Khayre oo ka soo horjeestay Muddo-korodhsiga Farmaajo Rabo

Muqdisho(aftahannews):- Abuukar Islow Ducaale oo ka mid ah Wasiirrada Xukuumaddii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya riday 25-ka bishii hore, isla markaana ah sii-haya Wasiirka Ammaanka, ayaa sheegay inaan la aqbali karin in Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya muddo-korodhsi samaystaan, isla markaana doorashada dib loo dhigo.

Wasiir Islow oo maanta ka qeyb-galay shir mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ay ku leedahay mowlaca Macallin Nuur ee magaalada Muqdisho, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadda dalka iyo doorashooyinka u muddaysnaa in dalka laga qabto dhammaadka sannadkan 2020 iyo bilowga 2021.

Abuukar Islow, waxa uu sheegay in hoggaanka dalku yahay qori isku dhiib, waxaanu Madaxweyne Farmaajo u soo jeediyey inuu doorashada ku qabto waqtigeeda, waxaanu yidhi; 
“Madaxweyne Shiikh Shariif waxa uu doorashada ku qabtay waqtigeeda, Madaxweyne Xasan Shiikhna sidoo kale, waxaa lagama maarmaan ah in madaxweyne Farmaajo uu tubtaas raaco.”

Wasiir Islow oo sidoo kale ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka mid ahaa Mudanayaasha sida weyn uga soo horjeeday kalsooni kala noqoshada Xukuumaddii Ra’iisal-wasaare Xasan Cali Kheyre ee uu isaguna Wasiirka ka ahaa.

Hadalka Xildhibaan Islaw ka jeediyey shirkaas iyo qodobbada uu kaga hadlayba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho habboon:-

aftahanin@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.