Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Isbarbar-dhig Ku Sameeyey Qabsoomi La’aanta Doorashooyinka Somaliland Iyo Soomaaliya?

Hargeysa, (Aftahannews)-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isbar bardhig ku sameeyay sababta ka danbaysa in dowladnimada Soomaaliya hana qaadi waydo, Somaliland na ku guulaysato in ay dhisto dowlad doorashooyina qabato.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka Somaliland doorteen, in ay heshiiyaan oo dowlad dhistaan, isla markaana nidaamka iyo kala danbayta iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland ay tahay rabitaan shacab, isagoo sheegay in sida mid lamida looga baahahanyahay Soomaaliya”Maxay Somaliland maanta dowlad u tahay?, maxay Somaliland 7 doorasho uga dhaceen?, maxay Somaliland 5 madaxweyne isku badaleen?’ Madaxay saddex kamida doorasho loogu doortay?  Madaxay adduunyada oo dhani uga markhaati furtay?””Maxay Soomaaliya doorasho uga dhici wayday?, saw su’aal u baahan in jawaab loo helo maaha? Waxa weeyaan kaliya dad keena ayaa fahmay, kaliya dadkeena fuliyay, kaliya dadkeena ayay la noqotay, in aynu nidaam dowli ah yeelano, wayna inoo shaqeeyaan” ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Somaliland ayaa ku guulaysatay in ay dhisto nabad, nidaam dowladeed, isla markaana qabato doorashooyin xukunka si nabada iskugi wareejiyaan tartamayaashu, tan iyo markii ay gooni iskaga taagtay Jamhuuriyadii Soomaaalida ee ay la midowday 1960.