Waa Sidee Xaaladda Boqollaal Qoys oo Sheegay inay Guryohoodii Qoyska Madaxweynu Ka Rareen?

Hargeysa(Aftahannews):- Qoysas sheegay inay ka kooban yihiin illaa Lix Boqol oo Qoys oo qaarkood Dad danyar ah yihiin, isla markaana sheegay in Qoyska Madaxweyne Muuse Biixi ka raray Guryohoodii iyo goobihii ay degganaayeen oo ah Buurta kala-jeexan ee Galbeedka magaalada Hargeysa, ayaa badi xaaladdooda ka dayriyey.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa dhawr Qoys oo ka tirsan Dadkaas gargaar kooban u fidyey, waxaanay ka warrameen sida xaaladdoodu xilligan tahay iyo nolosha ay ku sugan yihiin oo ay sheegeen inay tahay mid adag iyo hooy la’aan.

Haddaba, Warka ku saabsan Qoysaskaas xaaladdooda iyo gargaarka kooban ee Xildhibaan Nacnac u fidiyey, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.