Dawladda Chad oo shaacisay inay Ciidankeeda kala baxayso J. Afrikada dhexe

N’Djamena(Aftahannews):- Dawladda waddanka Chad, ayaa Shaaca ka qaadday inay Ciidammadeeda kala bixi doonto dalka Jamhuuriyadda Afrikada dhexe ee ay qalalaasaha siyaasadeed sannadihii u dambeeyey ka taagnaayeen, halkaasoo Ciidammada Chad iyo kuwo kale oo caalami ah loo geeyey nabad-ilaalin ahaan iyo inay dawladda ka difaacaan dagaallada ay Jabhaduhu kula jiraan.

5DF73BFF-4937-41F5-BA15-744B1D4F5C68_mw1024_n_s

DD98E319-1358-4ED6-923A-DA8F2C316DA2_w443_r1

War arrintaasi ku saabsan oo uu soo saarey Wasiirka arrimaha dibedda ee Chad Moussa Faki Mahamat, ayaan lagu faahfaahin in Ciidammada Chad ay gebi ahaanba iskaga baxayaan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe iyo in kale. Dalka Chad waxay 850 Askari ku leedahay hawlgalka Midowga Afrika ee Afrikada Dhexe ee loogu talagaley badbaadinta shacabka iyo inay hubka ka dhigaan Malleeshiyaadka ka jira dalkaas.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Chad ayaa sheegay in ciidamadooda laga dhigtay kuwo mar walba lala beegsado olole magac xumeyn ah oo lagaga dhigayo inay mas’uul ka yihiin dhamaan dhibaatooyinka ka taagan Jamhuriyadda Afrikada Dhexe.

Kumanaan ka mid ah Muslimiinta Jamhuriyadda Afrikada Dhexe ayaa ka cararey guryahooda iyo degaannadii ay ku noolaayeen bilihii dhowaa, iyagoo ka cabsi qaba maliishiyaadka tirada badan ee Masiixiyiinta ee loo yaqaano anti-balaka. Muslimiinta aya intooda badan waxay u cararayaan dalalka deriska.

Maliishiyaadka anti-balaka ayaa ku eedeeyey ciidamada Chad inay la safteen shacabka Muslimiinta, wixii intaa ka horeeyayna ay gacan siinayeen falaagada ay Muslimiinta ku badan yihiin ee loo yaqaano Seleka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya.