“Xukuumaddu diyaar uma aha inay doorashadu Dalka ka dhacdo….” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay inay Xukuumaddu aanay diyaar u ahayn Doorashada Golaha Wakiilada oo dalka ka qabsoonta.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaa dhaqan inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib u dhacaan, Doorashada Wakiiladana qodob badan oo loo baahnaa in la sii dhammeeyo, ayaan  ilaa hadda laga hawl-galin, sida saami-qaybsiga, maxaa yeelay Beelaha darafyadu waxay doonayaan inay Doorashada Wakiilada ku galaan saami-qaybsi, waxayna marar badan ku celiyeen in aanay galaynin Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya, waxay ahayd inay Xukuumaddu mar horeba ka sii hawl-gasho, laakiin ilaa hadda umay dhaqaaqin oo caalamatul su’aal ayey galisay, waana kii Madaxweynuhu Beelaha Awdal ka codsaday in saami-qaybsi aan la sameeynin, ta kale Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyey in Komishankan la kala diro, oo Komishan loo siman yahay la sameeyo, balse haddana calaamatul su’aal ayaa la galiyey,oo Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo hadda isku noqday Xisbi qudha, ayaa haddana doonaya in aan Komishankana la kala dirin, Doorashadana sidii hore loo galo, Xisbiga Waddani, sharci buu ku taagan yahay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu diyaar uma ah inay Doorashada dalka ka dhacdo, iyadana caalamatul su’aal galinaysa, qodob kasta oo ku xidhan qabsoomida Doorashada”

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya, dagaal bay inagula jirta, waxayna rabtaa inay ka faa’iidaysto aqoonsiga aynaan wali Caalamka ka helin, ee si wada jir ah aynu u waajahano, oo waliba si wada jir ah aynu aqoonsigeena u raadino, oo aynu Wadamada kale duwan ee Caalamka aynu ka dhaadhicino sidii dalkeena loo aqoonsan lahaa, loona tusi lahaa inaynu ka madax banaan nahay Somaliya”.

Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ka digtoonto cabudhinta Saxaafadda, talaabo adagna ka qaado cid kasta oo isku dayda inay ku xad gudubto dhaqanka iyo diinta islaamka.

 

Source: Geeska