Xasan Sheekh oo laga hor-joogsaday gudaha Baydhabo iyo Jawaari oo ka cararay Muqdisho

Baydhabo(Aftahannews):- Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka cararay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isla markaana isla galabta gaadhay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ka dib markii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maanta halkaas gaadhay laga hor-joogsaday inay gudaha Baydhabo galaan.

JAWAARI IYO XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Prof Jawaari iyo Xasan Sheekh

Wararka a soo gaaraya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka looga yeedhay Baydhabo ee gobolka Bay oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Jawaari, ka dib markii ay Madaxweynaha ku adkaatay sida la sheegay inuu gudaha u galo magaaladaas, ka dib markii muddaaharaad lagu lagala horyimi Madaxweynaha iyo Weftigiisa oo maanta halkaas gaadhay, halkaasoo la sheegay inay garoonka diyaaradaha Baydhabo uga gudbi kari waayeen dhinca gudaha magaalada.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Jawaari oo ay weheliyaan Xildhibaanno Baarlaamaanka ka tirsan oo ka soo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, kuwaasoo ku biiray Weftiga Madaxweynaha, isla markaana lagu soo warramayo inay ka hawl-galeen dejinta dadweynaha Muddaharaadka ku qaabbilay Weftiga Madaxweynaha, waxaana magaalada maalmihii u dambeeyey ka taagnaa xaalad siyaasadeed oo kacsan.

Ka dib markii Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed oo bishii hore shir la soo gebogabeeyey lagu dhisay, isla markaana Madaxweyne lagu doortay shir ka garabsocday oo dawladda lagu eedeeyey inay taageerayso toddobaadkii hore isna lagu doortay Madaxweyne loogu yeedhay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed, halka ay dawladdu Maamulka hore sheegtay inaanay aqoonsanayn oo uu sharci-darro yahay, waxaana iska horyimi doorashadan ka dib dadweynaha magaalada oo kala taageersan labada Maamul ee isku-magaca ah, waxaana bilaabantay in dhinac waliba Ciidan iyo Hub-urursi bilaabo si uu dhinacba dhinaca kale awood ugu muquuniyo.

Ujeeddada socdaalka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inay ahayd inuu la kulmo Maamullada isku-magaca ah ee iska soo horjeeda iyo Wax-garadka, Madaxda dhaqanka  iyo Siyaasiyiinta gobollada ku midaysan Maamulladaas eek u ku kala jira ama la kala socda labada Maamul, hase-ahaatee, waxa la sheegay inay caqabad ku noqotay ujeeddadiisa kacdoonka dadweynuhu kala horyimaaddeen isaga iyo Weftigiisa.

Waxaanay Wararka aannu caawa ka helayno magaalada Baydhabo sheegayaan inkasta oo ay Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaannada gobolladaas u dhashay ee la socdaa ku dedaalayaan in xaaladda la dejiyo, in haddana ay aad u cakiran tahay xaaladda siyaasadeed ee magaaladaas ka taagani.

Arrinta ayaa la sheegayaa inay aad u cakirantay kadib markii dadweynihii ku sugnaa xerada ADC-da ee ay deggan yihiin kooxda Maamulka lixda gobol dhistay ay ka warheleen in Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo inuu booqdo Huteelka Bakiin oo ah meesha Saldhigga u ah kooxda kale ee dhistay Maamulka saddexda gobol oo labadooduba sita Magaca Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya midka hore lagu sheegay inay lix gobol ku midoobeen, halka Maamulka maalmo ka hor Madaxweynaha loo doortayna lagu sheegay inay saddex gobol ku midoobeen.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu wadaa inuu bilaabo dedaallo dheeri ah iyo wadahadallo joogto ah oo uu ugu kala dab-qaadayo dhinacyada is-haya iyo weliba Weftiga Madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminayo, iyadoo arrinta xasaasiga ahi ay tahay in Weftiga Madaxweynaha dawladda federaalka ah oo in ka badan toddoba saacadood ku sugan Baydhabo ay awoodi waayeen inay galaan gudaha magaalada Baydhabo. Kacdoonka badi dadweynaha magaaladu kala horyimaaddeen awgii.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

mrmursal@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.