Hadaaftimo: Suldaan Cusub oo ku Soo biiray Salaadiinta Gobolka Sanaag

Hadaaftimo(Aftahan News)Munaasibad Ballaadhan oo si weyn loosoo agaasimay oo lagu doranayay Suldaan Cusub, Munaasibaddan oo ka dhacday magaalda hadaaftimo Munaasibadda oo ahayd mid ay ka soo qaybgaleen  Dhalinyaro,cuqaal,waxgarad, masuliyiin, siyaasiyiin, ayaa waxa lagu doortay Suldaan Axmed Xassan Axmed (Sanqoole) oo isagu noqonaya Suldaanka Beesha Ogoslabe isla markaasna ka mid noqonaya Salaadiinta Gobolka sanaag

suldaan axmed

Munaasibada ay beesha ogoslabe ku dooraneyeen inuu suldaan unoqodo Axmed Xassan axmed ayaa laga soo  jeediyay Hadalo iyo khudbado kala Duwan, iyagoo dhammaantoodna soo dhoweeyey  Suldaankan Cusub, qaar ka mid ah wax gardkii iyo aqoon yahankii soo doortay suldaankan cusub ayaa waxa ka mid ah hadaladoodi

 ’’Anigoo ku faraxsan caleemo saarka suldankan cusub waxaan leeyahay suldanka cusub xilka manta laguu doortay waa xil culus oo ay kaala kulmayaan caqabado farabadani,markaa waxa lagaaga baahanyahay in aad arimahaa u yeelato dulqaad oo aad ku xaliso waxkastoo kula kulma cadaalad iyo sinaan.waxa kaloo isna  munaasibada caleemo saarka kelmado ka soo jeediyey Mid ka mid ah cuqaasha beesha uu suldaanku ka soo jeedo, kaas sheegay

 ”Anigoo ka mid ah beesha Suldaankan cusub doortay waxaan halkan umada ugu sheegaynaa in aananu Suldaanka caleemo saarkiisu ka qabsoomi doono magaalda hadaaftimo kuna marti qaadi doono dhamaan beelaha somaalida intii aanu ka gaadhi karno

Dhamman Beelahaku dhaqan gobolka sanaag oo dhan, waxaananu ka rabnaa suldaanka in uu noqdo suldaan walaaleeya reer sanaag oo ku xidhnaada shacabkiisa iyo dawladiisa.

 Ug danbayntii waxa hadalo soo jeediyay  Suldaankan cusub ee ay doorteen beesha ogosolebe oo isna hadaladii iyo talooyinkii loo soojeediyey ay wax badani galeen ayaa halkaasi ka sheegay ballanqaadyadiisii iyo waxyaabaha uu xooga saari  doono, isagoo sheegay inu ku shaqayn Doono Caddaalad Dulqaadna muujin doono sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay in uu awooda saari doono sidii uu uga shaqayn lahaa adkaynta nabada iyo isku xidhka Dadka reer sanaag. Suldaanka ayaa madasha ka akhriyey Ducooyin faro badan isagoo welibana u jeediyey dadkii munaasibadda Joogay Mahadnaq aad u ballaadhan,

 Caleemo saarka suldaankan ayaa waxa la qorsheyay in badhtamaha sandkan ama bilaha soo socoda ka dhici doono hadaaftimo

Aftahan News

Hadaaftimo/Somaliland