Maayerkii hore ee Magaalada Gabiley oo Xabsiga loo Taxaabay iyo sababta xadhiggiisa

Gabiley(Aftahannews):- Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta xabsiga u taxaabay maayarkii ugu mudada dheeraa golihii deegaanka Gabiley ee hore Aadan Muxumed Badde, kadib markii uu Aadan isku dayay inuu kala hadlo Wariye C/raxmaan Aadan Badde oo maayarka Gabiley ku diray koox dhalinyaro budhcad ah oo la sheegay inuu maayarku u Adeegsado Saxaafada wax ka qorta.

aadan-bade-225x300

Maayarkii hore ee golaha deegaanka Gabiley ayaa la laayahay meel uu ku xidhan yahay iyadoo wararku intaa ku darayaan in la geeyay xabsi ku yaala magaalada Arabsiyo oo maayarku Gabiley u isticmaalo dadka isaga siyaasad ahaan ay iskasoo horjeedaan.

Xadhiga maayarkii hore ee Gabiley ayay dadka siyaasada gobolka ka faaloodaa la xidhiidhinayaan in maayar Shucayb ay adeegsanayaan wasiirada madaxtooyada iyo maaliyada Xirsi iyo Samaale iyadoo ay wasiiradaasi hore u qorsheeyay siyaasad qaawan oo masuuliyiin reer Gabiley ah sharafta iyo karaamada lagaga rifayo .

Dhawaanbay ahayd markii dhalinyarta maayarku adeegsaday koomo galiyeen taliye ku xigeenkii Saldhiga Gabiley isla markaana ahaa ku simaha taliyaha Saldhiga Gabiley, kaasi oo lagu khasbay inuu inamadii dhaawaca gaadhsiiyay cafiyo taasi oo keentay in Aakhirkii Shaqada laga eryo taliyihii la dilay oo ahaa nin daacad ah oo shaqadiisana ka Adkaa. Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa lagu eeddeynayaa dhamaan arrimahan oo dhan.

Xigasho Gobanimonews.