Sheekh caan ah oo hadal uu yidhi Buuq iyo Muran Diineed ka abuuray Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka mid ah Culimada waaweyn ee reer Hargeysa, ayaa sheegay inaanu Islaamka, Kitaabka iyo Sunnaha sugan ee Nebi Muxamed (S.C.W) ee sexeexa ahi aanay kala soocin Magta Ragga iyo Haweenka, waxaanu tilmaamay in ciddii daliil u haysa Magta Ragga iyo Haweenka inay kala sarrayso ay ummadda u soo bandhigaan, waxaanu intaa ku daray in la kala saaro dhaqanka soo jireenka ah iyo Kitaabka Alle iyo sunnaha sugan ee Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee.

6mmmmmmmm

Sheekh Maxamed Xaaji Xiiray waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay booqday xarunta Wargeyska Haatuf oo uu arrintaa uga warramay, waxaanu warkan oo aannu ka soo xigannay Wargeyska Haatuf uu Sheekha oo arrimahaas ka hadlayaa ku yidhi; “Kitaabka Qur’aanka iyo sunnaha Nabiga ee sugani Magta Raga iyo Haweenka may kala qaadin,  Sheekh Maxamed Al-qasaali wuxuu yidhi, Aayada Magta ka hadashaa ma kala soocayso Magta Raga iyo Haweenka. Cida tidhi dhiiga Haweenka ayaa ka jaban ka Raga waa sheegasho been ah” Axaadiista Rasuulka (scw) ee sexeexa ahi ma kala qaadayso Magta Raga iyo Haweenka, waxaan qirayaa inay tahay dhaqan soo jireen ah oo muslimiinta iyo Soomaalidu ku dhaqmi jireen muddo dheer. Daaliil kama haysato Kitaabka Qur’aanka iyo sunnaha sugan ee Rasuulkeenii Muxamed (scw).

Sidaa darteed hala kala qaado Kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka ee sugan iyo dhaqankeena iyo ka muslimiinta oo qalad iyo saxba yeelan kara, balse dad meel wada degani wax way ku heshiin karaan, laakiin kitaabka Alle iyo sunnaha sugan inay u nisbeeyaan maaha in Magta Ragu ka badan tahay ta Haweenka. Anigu kama hadlayo dhaxalka iyo maraga Haweenka way ka duwan yihiin, waxaanse ka hadlayaa magta oo kaliya, hadalkana maaha in la talaabiyo ciddii leh Kitaabka iyo sunnahaa sheegay Magta Raga iyo Haweenka way kala saaraysaa daliilkeeda ayaa laga rabaa inay ummada u sheegaan.

Fatwada oo balaadhana waxa ka hadlay Dr Yuusuf Al-qardaawi, qofka in la cabudhiyo oo la yidhaahdo ma hadli kartid fikirkaagana ma cabiri kartid waa aafo ummadeed.

Culimada xaq u dirirka ahina arrinkaasi sida uu xaqa u yahay ummada haw sheegaan.

Ma Kitaabka iyo sunnaha ayaynu u hiilinnaa mise dhaqanka ayaynu u hiilinnaa?

Ninka Culimada ah maaha inay caamaddu hagto oo kolba waxay jecel yihiin urun uu u sheego.

Hadalkaasi aniga ayuu gaar iigu yahay, isla markaana cid aan ku matalaa ma jirto, waa fahamkayga gaar ah”.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.