Madaxweynaha Soomaaliya oo ku hoyday Magaalada Baydhaba oo xaalad kacsani ka jirto

Baydhabo(Aftahannews):- Maddaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tegay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay ka taagannayd maalmihii u dambeeyey xiisad kacsan iyo qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay doorashada Madaxweyne labaad oo maalmo ka hor loo doortay Maamul-goboleedka Koonfur-Galbeed ee Soomaaliya oo bishii hore Madaxweyne loo doortay.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay inuu illaa caawa ku sugnaan doono Baydhabo, halkaasoo la filayo inuu kulammo kula yeelan doono Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Wax-garadka gobollada Maamulka dhisanayey ee Baydhabo ku sugan iyo weliba Masuuliyiinta labada Maamul ee isku magaca ah oo ay xaaladdoodu gaadhay inay isu-hub-urursadaan.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo shir jaraa’id ku qabtay maanta magaalada Baydhabo, ayaa sheegay inuu caawa joogo doono madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu kulammo la yeelan doono dhinacyada xaaladda magaalada ka jirtaa khusayso, waxaanu yidhi; “Qorshaha socdaalka madaxweynaha waa sidii uu ugu kuurgeli lahaa howl-gallada ka socda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.”

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wafdigiisu ka mid yihiin wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan xukuumadda ayaa waxay barqo-nimadii maanta gaaray Baydhabo, iyagoo weli ku sugan garoonka diyaaradaha Baydhabo.

Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay maanta dibadbaxyo xooggan, iyadoo uu sheegay madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobo lee Koonfur-galbeed, Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in madaxweynaha ay tan iyo saakay ku sugayeen xarunta maamulkaas, welina uusan u imaan.

Wararka laga helayo Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in madaxweynuhu uu kula kulmi doono Baydhabo dhinacyada iska soo horjeeda ee maamullada dhisay, balse weli aysan taas u suurogelin.

Safarkan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay magaalada Baydhabo ee xaaladda kacsan ee siyaasadeed hadda ka taagan tahay, ayaa noqonaya safarkii labaad ee uu magaaladaas ku tago, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya tobanka bishii sagaalaad ee sannadkii 2012.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.