Xildhibaan Buubbaa oo ka warbixiyey Xafiisyada ay Baarlamaanku 8 sano ka dib Gobollada ka furteen

Hargeysa(Aftahanews):- Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa oo sidoo kale ah Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa ka war-bixiyey Safarro ay isaga iyo Wefti Xildhibaanno ah oo gobollada Awdal, Saaxil iyo Togdheer ay ka dhagax-dhigeen Xafiisyo Baarlamaanku ku yeelanayo.

Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubbaa oo ka warbixinaya waxa siddeed sano ka dib keenay inay Golaha Wakiilladu Xafiisyo ka furtaan gobollada dalka, halkay hore Hargeysa oo qudha ugu koobnaayeen, waxaanu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Xafiiskiisa xarunta Baarlamaanka ee magaalada Hargeysa. Halkan hoose ka daawo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargesya/Somaliland.