Ganacsato Xoolo lagu soo celiyay oo Madaxweynaha ka dalba inuu Tallaabo ka qaado Wasiir Cabdi Aw Daahir

Hargeysa(Berberanews)- Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa ee Somaliland ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Masuuliyad darro ay ku eeddeeyeen Wasiirka Xanaannada Xoolaha, kaasoo ay sheegeen inuu ka gaabiyay wax ka qabashada Markab Geel siday oo todobaadkii hore laga soo celiyay Dalka Sucuudiga, ka dib markii laga helay Xanuunka Burro-saynlaha loo yaqaano.

geel

Markab Dekedda Berbera ka dhoofiyay l2387 (Laba kun, saddex boqol iyo todobada iyo Sideetan Neef oo Geel ah), ayaa 21 Bishan ku soo xidhay Dekedda,oo uu soo celiyay xoolihii uu qaaday, taasoo khasaare ku keentay Ganacsatadii dhoofisay.

Ganacsatada xoolaha leh ayaa soo celinta Geelan ku eeddaynaya Maxjarka Caafimaadinta Xoolaha ee Al-jaabiri oo Geellaasi lagu sii baadhay iyo Wasiirka Xanaannada Xoolaha Dr. Cabdi Awdaahir Cali oo ay sheegeen inaanu wax talaabo ah ka qaadin Maxjarkaasi oo sida ay ku dooddayaan Wasiirku gacan saar shuraako la galay.

Ganacsatadu waxay sheegtay in markii Markabku soo gaadhay Berbera, uu halkaas tegay Wasiir Cabdi Aw Daahir , oo ay dusha ka saareen inuu Khilaaf ka dhex abuuray Ganacsatada, kana muquurtay inuu la kulmo,sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ganacsatada Geella lagu soo celiyay Xiis Cabdilaahi oo isagoo ku sugan Magaalada Berbera na soo gaadhsiiyay qoraalkan.

“Waxa nalugu soo celiyay Markab 2387 oo Geella, ka dib markii sida naloo sheegay la helay Xanuunka Buruselaha ee xoolaha ku dhaca, intaa ka dib markii xoolaha la soo celiyay waxa Magaalada Berbera yimi Wasiirka Xanaanada Xoolaha, kaasoo aanu ka filaynay markuu berbera yimi inuu talaabo ka qaado cidii ka dambeysa in xoolahaa xanuunka qaba la dhoofiyo.

Iyadoo markii hore xoolaha laga dhoofiyay Maxjarka Caafimaadinta xoolaha, lacagna nalaga qaaday, ayuu wasiirka taa bedelkeeda isagoo cid gaar ah u danaynaya madaxa isu geliyay Ganacsatadii xoolaha lahayd ee dhoofinaysay, kuwaa oo uu xaalad ka dhex abuuray, dagaalna dhex maray”ayuu yidhi. Xiis Cabdilaahi ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirku markii uu Berbera yimi intuu la balamay, hadana u jaray, kana diiday cashuur dhaaf loo sameeyo, maadaama khasaare soo gaadhay.

“Waxaana dhacday intuu nala balamay, inuu hadana saacad ka hor markii balanku ahaa berbera ka soo baxay, isla markaana naga diiday codsi aanu ku dalbanay in Cashuur dhaaf naloo sameeyo, ileen khasaare ayaa nagu dhacay, waxaanay taasi noola muuqataa masuuliyad daro uu ka badheedhay wasiir cabdi awdaahir”ayuu hadalkiisa ku daray. Ganacsade Xiis Cabdilaahi ayaa Madaxweynaha Somaliland ka dalbaday inuu soo faro geliyo arrintan, isla markaana wax ka qabto dhibaatada dhaqaale iyo Masuuliyad darro ee uu kula kacay Wasiirkiisa Xaananada Xooluhu.

Waxaanu yidhi “Sidaa darteed annagoo madaxweynaha ku hambalyeynayna waxqabadka muuqda ee uu sameeyey iyo safarkii uu Gobollada ku soo maray, kana cabanayna masuulliyad darrada intaa le’eeg ee uu Wasiirku nagu sameeyay iyadoo Khasaare nagu dhacay u soo jeedinaynaa Madaxweynuhu inuu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado. Maadaama uu uu ku fashilmay hawshii uu ummadda Masuulka uga ahaa ee Wasaaraddiisu qaabilsanayd iyo tii Ganacsiga Xoolahaba”.