Wasiir Cadami Oo Sheegay In Ciidanka Qaranku Meel Kasta Tegi Karo’Suldaan Siciidna Ku Tilmaamay Nin Doonistiisii Ku Hungoobay

Hargeysa(Aftahan News):- Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami,ayaa sheegay in ciidanka Qaranka Somaliland ay tegi karaan meel kasta oo dalka ka mid ah isla markaana aan la odhan Karin maxaa halkaa looga qaaday iyo   meeshaa maxaa loo geeyay,waxaa kaloo uu tilmaamay in Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan  nin ku hungoobay donistiisii kana baxay magaalada Badhan.

Cadami

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo waraysi  siiyay shabakada wararka ee Gudgudnenews.com waxaa kaloo uu intaa raaciyay in bulshada gobolka Badhan ay ogyihiin halka ay dantoodu ku jirto ee ay ka tirsan yihiin isla markaana ay Somaliland yihiin waxna la qabsanayaan.

“Suldaanku markii uu yimi wixii uu doonayay markay dood badan ka galeen wax garadkii,odayaashii iyo madaxdhaqameedkii deegaanka waa la isku afgaran waayay waana lagaga batay dhankii aragtida dadkuna 22 sano ayay ku soo jireen in marba nin u yimaado kolkaa imika xilli ay wax kala gartaan way joogaan,taasina waxay sababtay in Suldaan Siciid uu ka tago magaalada Badhan oo uu u kaco dhanka Ceel-bu,markaa halkaa wax aan wanaag ahayn oo Somaliland uga soo socdaa ma jirto.”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo la weydiiyay waxa ka jira wararka sheegaya inay ciidankii Qaranka ee a geeyay gobolka Badhan inay dib u soo celiyeen,ayaa ku jawaabay.

“Ciidanka Qaranku meel kasta oo dalka ka tirsan wey tagayaan cidina ma odhan karto maxaa halkaa loo geeyay iyo meeshaa maxaa looga kexeeyay waana arrimo Millatari,intaa waxaa dheer ciidanka Qaranku gobolka badhan waey joogaan waanay joogayaan meeshii hadba looga baahdana waa la geynayaa,ciidan la soo qaaday ama deegaan laga soo raray Ciidan Qaran oo joogayna ma jiro,deegaanka Carmaalena ciidanka Qaranku wuu joogay ugu yaaan 15 kii sano ee ugu dambeeyayba mid deegaanka u dhashay iyo mid kaleba wey joogaan waana ciidan Qaran.”ayuu ku jawaab celiyay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami

Aftahan News

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.

Xigasho/Gudgudenews