Dawladaha Jabuuti iyo Somaliland oo ka shiraya nabadgelyada Xuduudaha u dhexeeya iyo qodobbo kale

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladaha Jabuuti iyo Somaliland, ayaa ka wadahadlaya arrimo la xidhiidha adkaynta nabadgelyada guud, kor u qaadista ammaanka Xuduudaha u dhexeeya iyo xoojinta xidhiidhka hay’adaha ammaanka ee labada dal u dhexeeya.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ay weheliyaan Taliyaasha Ciidamadda Qaranka iyo Booliska iyo Madaxa Hay’adaha ammaanka, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo ay u tageen arrimo la xidhiidha iskaashiga dhinacyada ammaanka oo ay dawladdaas ka wadahadli doonaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Waran-cadde, oo intii Weftiga uu hoggaaminayaa ka bixin Hargeysa Warbaahinta la hadlay, ayaa sharrax kooban ka bixiyey Safarkooda, ayaa sheegay in safarka ay ku tageen dalka Jabuuti la xidhiidha shirar ay la yeelan doonaan Madaxda dawladda Jabuuti oo ku saabsan dhinacyada nabadgelyada, iskaashiga xuduudaha iyo xoojinta xidhiidhka amniga ee wada-shaqaynta labada dal.

“Aniga iyo Weftiga ballaadhan ee ila socdaa waxaannu saaka (shalay) u kicitimaynaa magaalada Jabuuti ee dawladda Jabuuti ayaannu booqasho ugu tegaynaa. Jabuuti waa dal aynu saaxiib nahay, aad iyo aadna isugu dheernahay, markaa mar walba waa lagama maarmaan in aynu sidii loo wada shaqayn lahaa, in la iska war-hayo oo talada la is-waydaarsado in la iska arko.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde.

Waxaanu Waran-cadde oo hadalkiisa sii wataa intaa raaciyey oo yidhi; “Markaa, arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinaca nabadgelyada, dhinaca iskaashiga Xuduudaha, dhinaca wada shaqaynta iyo sidii loo sii horumarin lahaa sidii loo wada shaqayn lahaa ayaannu runtii u tegaynaa. Runtii waa dal aynaan kala maarmi karin hadday labada shacab tahay iyo hadday tahay dhinaca labada dawladoodba, markaa runtii aad iyo aad baannu ugu faraxsannahay inaannu shirarkaa la geli doonno dawladda Jabuuti, insha Allaahu waxaannu filaynaa natiijooyin wanaagsani inay ka soo baxaan.”  

Mar Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland la weydiiyey, sababta keentay inay Jabuuti isu wada-raacaan isaga iyo Teliyeyaasha Ciidammada Booliska, Qaranka, Laanta Socdaalka iyo kuwo kale, ayuu sheegay inay sababtu tahay ahmiyadda ujeeddada socdaalkooda oo la xidhiidha arrimaha dhinaca nabadgelyada iyo sidii ay labada dal uga wada shaqayn lahaayeen.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.