Somalilandi yo Soomaaliya oo Turkiga kaga wadahadlaya Maamulka Hawada labada dhinac

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay weheliyaan laba Khabiir oo Wasaaradda ka tirsan, ayaa maanta u ambabaxay magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga, halkaas oo ay kulan kula yeelan doonaan Masuuliyiin ka imanaya dhinaca dalka Soomaaliya oo ay ka wadahadli doonaan Maamulka hawada ee labada dal.

Wasaaradda-Duulista

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-Sayid), ayaa War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu ku faahfaahiyey socdaalka Wasiirka Duulista iyo Khabiirrada la socdaa ku tageen Turkiga, halkaasoo uu sheegay inay wadahadal kula yeelan doonaan dhiggooda Duulista hawada ee Soomaaliya.

Qoraalka War-Saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Wasaaradda Duulista Hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland waxa ay halkan ku shaacinaysaa in maanta ay dalka ka ambabaxeen Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Duulista iyo hawadda  Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Laba Khabiir  oo ka tirsan Wasaaradda Duulista oo kala ah Saciid Mahdi Ileeye (Saqiiro) iyo Maxamuud Biixi Taarwale, kuwaasoo magaalada Istanbul kaga qaybgeli doona wadahadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa arrimaha maamulka hawadda oo hore ay dhinacyadu ugu heshiiyeen in laga wadahadlo.

Weftigani Somalliland oo ah Guddi Farsamo, ayaa waxa ay wadahadal fool-kafool ah la geli doonaan dhiggooda  dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka wadahadli doonaan dhaqan-gelinta iyo sii ambaqaadka qodobkii siddeedaad ee heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ee Istanbul II,  kaasoo dhigayey in labada dal ay sameeyaan Guddi farsamo oo ka shaqaysa arrimaha Maamulka hawada labada dal.

Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland waxa ay shacabka iyo Saxaafadda la socod siin doontaa wixii najiito ah ee shirkaasi ka soo baxa, INSHA ALLAH. Allaa mahad leh.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka uu soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland.

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.