Hay’adda Aafooyinka oo sheegtay inaan waxba laga qaban karin Ayaxa ku fadhiya Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Agaasimaha Hay’adda ka hor-tagga Masiibooyinka u qaabbilsan Somaliland Maxamed Muuse Cawaale, ayaa maanta shaaca ka qaaday inaan wax laga qaban karaa jirin Ayaxa ku habsaday deegaannada gobollada dalka qaarkoood, kaasoo ay Wasaaradda Beeruhu sheegtay inay Diyaarado ku buufin doonto ay hore ugala cabsootay dadka iyo duunyada.

AYAX GUURAYA OO HARGEYSA HADHEEYEY

Maxamed Muuse Cawaale waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi; “Wasaaradda Beeruhu qorshe dhan ayaa ay u leedahay hawlahaasi Ayaxa, baryahan way ku hawlanayeen, waa kuwii tegay dhankaas Xeebaha. Anigu waxaan hubaaba in ay aad iyo aad u dedaaleen sidii ay arrinkani wax uga qaban lahayeen shirar aannu maalin dhawayd qabannayna waannagii siinnay, waxaannu talo siin ahayne haddaannu nahay Hay’adda ka hortaga Masiibooyinka dabiiciga ah.”

Agaasimaha ayaa waxa uu sheegay inaanay Wasaaradda Beeraha Somaliland lahayn diyaarado ama Baabuur ay saaran yihiin dawooyinka lagu buufiyo Ayaxa si loola tacaalo waxaanu yidhi; “Ayaxan la sheegay horto wax sahlan maaha oo Wasaaradda Beerahuna ma haysto waxa ay kula dagaallanto. Laakiin, berigii hore waxa jiri jiray diyaarado lagula dagaallamo Ayaxana lagaga hortago, waxaasina immika ma jiraan, waana aafo dabiici ah oo inta uu Beedka yahay am koronkorka yahay, ayaa fiican in lala dagaallamo. Laakiin, wixii lagula dagaallami lahaa may helin Wasaaradda Beeraha Somaliland.”

“Marka ay dabayshu qaaddo ee xaggaas geyso, waxa uu u gudbayaa dhinacaas iyo waddamada aynu jaarka nahay ee sida Itoobiya oo kale, waxaana fiican in ay Wasaaradda Beeraha Somaliland iyo Wasaaradda Beeraha ee Itoobiya, arrinkaas Ayaxa iska kaa shadaan, wada-shaqayn fiicana ka yeeshaan.” Sidaa ayuu yidhi Agaasime Hay’adda NERAD Maxamed Muuse Cawaale.

Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxa uu Ayaxu soo maraa afar marxaladood afartaas waxa ay kala yihiin, marka hore waxa uu noqdaa kaba-jaa midh midh ah marka 2-aadna waa uu fidaa, marka saddexaadna kallarkiisa (midabkiisa) ayaa is beddela oo waxa uu noqdaa koronkorradii marka uu koronkorrada ka kacaan, waxa uu noqdaa Ayax wayn, waana uu duulaa waxaana habboon bahalka inta uu yar yahay in waxa laga qabto ee uu dhulka mar-marayo.”

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.