Wasiir Xaglo-toosiye oo Magaaladii Madaxweyne Siilaanyo ku dhashay Xarun Caafimaad ka dhagax-dhigay

(Dharyalay(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), ayaa dhagax-dhigay Xarun Caafimaad oo loo samaynaayo Magaalada uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ku dhashay ee Dheriyale oo ku taalla dhinaca Koonfureed ee gobolka Togdheer.

xaglo (1)

Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa sheegay inay magaaladaasi tahay meeshii uu ku dhashay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana uu ku faraxsan yahay inuu maanta ka dhagax-dhigay Xarun Caafimaad isaga oo ah Wasiirka Caafimaadka Somaliland, waxaanu intaa ku daray in muddo laba bilood gudohood ah lagu dhammaystiri doono xaruntaas ay dhagax-dhigeen.

Halkan Ka daawo

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.