Golaha Deegaanka Caynabo oo xilka ka qaaday Maayerka & ku-xigeenkiisii, beddelkoodana doortay

Caynaba(AftahanNews):- Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmada Caynaba, ayaa maanta kalsoonidii kala noqday Maayerkii iyo Maayer Ku-xigeenkii degmadaas, kuwaasoo sidoo kale ahaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha, waxaanay Xildhibaannadu isla maanta doorteen Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, noqonayana Maayerka iyo Maayer-ku-xigeenka degmada Caynabo.

caynabaaaaa

Xildhibaannada Golaha Deegaanka degmada Caynaba ee kalsoonida kala noqday Masuliyiintii hore ee Golahaas, ayaa waxa ay ka koobanyeen 10 Xildhibaan, waxay Maayer u doorteen Xildhibaan Axmed-qani Xaaji Yuusuf halka ay Maayer Ku-xigeen u doorteen Xildhibaan Nuur Madoobe.

Fadhig ay maanta yeesheen Xildhibaannada Golaha deegaanka degmada Caynaba, ayaa waxa uu muran iyo dood ka dhaliyay hoolka dawladda hoose ee degmada Caynaba iyo magaalada. Weriye Aftahannews ka tirsan oo Maayerka kalsoonida ay Mudanayaashu kala noqdeen wax ka weydiiyey waxa keenay xil-ka-xayuubinta isaga iyo ku-xigeenkiisa ay Xildhibaannadu ku sameeyeen.

Maayerka Caynabo ee ay kalsoonida kala noqdeen Xildhibaannada Deegaanku Faysal Axmed Jaamac (Faysal-Sanwayne), ayaa Aftahannews u sheegay inaanay waxba ka jirin Xil-ka-qaadista ay sheegeen, waxaanu ku dooday in kulanka Xildhibaannadu ku sheegeen inay xilka kaga qaadeen isaga iyo Ku-xigeenkiisa uu dabada ka riixayo Badhsaabka gobolka Saraar iyo Xisbiga WADDANI.

Sidoo kale, Maayerka ay Xildhibaannadu maanta doorteen Axmed-qani Xaaji Yuusuf, ayaa maalinmadii shalay munaasibad ka caddeeyay inuu ku biiray Xisbiga KULMIYE, isgoo ahaa Xildhibaannadii ka soo baxay Ururkii Rays oo hore u sheegay inuu ku biiray Xisbiga WADDANI, balse maalinnimadii shalay ayaa waxa uu si rasmi ah u caddeeyay inuu ku biiray KULMIYE oo uu WADDANI ka baxay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.