Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo noqotay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaare Ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Xukuumaddii Saacid ahaydna Wasiirkii arrimaha dibedda ee Xukuumaddaas Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, ayaa maanta ka mid noqotay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, ka dib markii ay buuxisay jago bannaanaatay, iyadoo maanta loo dhaariyey Xildhibaannada.

Fowziyo_oo_dhaaranaysa_Somalia

Foosiya waxay si rasmi ah uga mid noqotay maanta Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo beddeshay Xildhibaan Ismaaciil Xasan Jamac oo ka mid ahaa Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.” ayay tidhi oo lagu dhaariyey Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan markii la dhaariyey.

Foosiya waxay ahayd Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Xukuumaddii uu Raysal-wasaaraha ka ahaa Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay Foosiya sidoo kale u ahayd Raysal-wasaare Ku-xigeen, ayaa waxay intii ay xilka haystay booqashooyin shaqo ku tagtay dalal kala duwan oo caalamka ah oo ay ka mid ahaayeen, Maraykanka, Ingiriiska, Shiinaha, Turkiga, Beulgume, inta badan dalalka Afrika oo ay ka mid tahay Koonfurta Suudaan, waddammo badan oo Carabta iyo Yurub-ba ka tirsan oo ay inta badan Safaarado ka furtay.

Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan,  ayaa dhaarinteedu waxay kusoo beegmaysaa xilli uu furmay maalmo ka hor kal-fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo howlaha looga fadhiyo baarlamaanka ay ka mid yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Xildhibaan Foosiya waa Gabadh reer Somaliland ah oo weliba reer Hargeysa ah, isla markaana hawlo shaqo oo kala duwan ka qabatay Somaliland, iyada oo marar kala duwan isu-sharraxday inay Somaliland ka noqoto Madaxweyne, inkastoo aanay u suuragelin in Urur-siyaasadeed ay sannadkii 2012 kaga dhawaaqday Somaliland u gudbo Urur rasmi ah oo Xisbi u gudba.

Markaa ka dib waxay Foosiya markii 10-kii bishii sagaalaad ee 2012 la doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ay qabatay magaalada Muqdisho, waxaana markii Madaxweynuhu magacaabay Raysal-wasaare Saacid uu Saacidna Wasiirka arrimaha dibedda ahna Raysal-wasaare Ku-xigeen u magacaabay Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, waxaanay maanta si rasmi ah uga mid noqotay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana maanta laga bilaabo loogu yeedhi doonaa Xildhibaan Foosiya.

Cabdifataax I. Mursal

mrmursal@gmail.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.