Kooxda Al-Shabaab oo Saddex Qof ku Toogatay Madal Baraawe ah

Baraawe(Aftahannews):- Xarakadda Al-shabaab ee ka dagaallanta dalka ayaa degmada Baraawe ku toogtay saddex nin oo lagu eedeeyay inay la shaqeynayeen hey’adda nabad-suggida dowladda faderaalka Soomaaliya.

300x300xToogasho-Marka2-480x357-300x300.jpg.pagespeed.ic.0d-q7pIrG6

Toogashadan saddexda nin ee Al-shabaab ay ku fuliyeen waxaa ay ka dhacday goob fagaare ah,waxaana halka isgu soo baxay dadka ku nool degmada Baraawe,inata an la toogan ragga waxaa hadallo jeediyey xubno ka mid ah saraakisha Al-shabaab ee halka ku sugnaa.

Hadal uu jeediyey in lugu sheegay inuu yahay qaadiga maxkamada Al-shabaab ee raggan xukuntay,waxuu ku sheegay in raggan qaarkood ay muddo bilooyin la shaqeynayeen hey’adda nabad-suggida, isla markaana ay qirteen dambigooda.

Sidoo kale Abuu Cabdalla oo ah guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellaha Hoose,waxuu dhankiisa sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan dadka uu sheegay inay u jaajuusayaan sirdoonada reer galbeedka.

….””‘”Waxaan raba inan idin cadeeyo qofkii lagu helo, isagoo u basaasaya cadawga iyo sirdoonaa gacan bir ayaa lagu qabanayaa, waana sii wadeynaa goynta kansarka muslimiinta ku dhex jira…””‘”ayuu yiri Abuu Cabdala.

Saddexda ruux ee la toogtay ayaa waxaa magacyadooda uu kala ahaa Maxamed Deeq Xasan Cali oo 28-jir ah, Maxamuud Faarax Sabriye Shuure oo 47-jir ah iyo C/najiib Shire Barre.

Toogashada raggan lugu eedeyey inay la shaqeyn jireen hay’adda nabad-suggida,waxaa ay dhacday galinkii danbe ee shalay,waxaan ay ku soo aadaysa xilli inta badan gobollada dalka lagala wareegay Al-shabaab.

Xigasho Raxanreeb.