Puntland oo ku gacan-saydhay Guddi Soomaaliya u magacawday kala saarista Shirkadaha Adeegga Xajka 2019

WASIIRKA CADAALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA PUNTLAND CAWIL SHEEKH XAAMID
WASIIRKA CADAALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA PUNTLAND CAWIL SHEEKH XAAMID

Garoowe(aftahannews):- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamid Maxamed, ayaa sheegay inaanay ku raaci doonin dowladda federaalka Soomaaliya Guddiga ay u magacawday kala saarista shirkadaha u tartaami doona fulinta adeegga Xajka ee sannadka 2019-ka.

WASIIRKA CADAALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA PUNTLAND CAWIL SHEEKH XAAMID
WASIIRKA CADAALADDA IYO ARRIMAHA DIINTA PUNTLAND CAWIL SHEEKH XAAMID

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddiga waxaa magacaabay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaanay  Puntland sheegtay inaan lagala tashan magacaabiista guddigaas, waxaanay shaqada guddigaasi tahay inay kala saarto shirkadaha diyaaradaha qaadi doona dadka sannadkan ka xajaya Soomaaliya.

“Dhowr jeer oo hore qaylo-dhaan waan sameynay, waxaan ka codsanay oo aan u gudbinnay dowladda Federaalka ah, qoondaddii Puntland ay lahayd kow iyo tobanka kun iyo shanta boqol ee loogu tala-galay inay sannadkan ka xajiyaan Soomaaliya in qaybtii Puntland ay lahayd soo siiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda iyo arrimaha Diinta Puntland.

Cawil Sheekh Xaamid oo sharraxaaddiisa sii watay, waxa uu intaas ku ladhay; “Arrimahaa dadaal hore oo xoog badan ayaa socday, in badan waan iska afgaranay,iyadoo xaaladdu ay halkaas marayso oo aan dareemaynay inuu lugajiid badani jiray, ayaa waxaa soo baxday wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay guddi magacowday, arrintaa waan ka soo horjeednaa, raallina kama nihin, arrin nagala tashaday ma ahayn.”

“Wali waxaanu taaganahay mowqifkeenni ahaa haddii aan nahay Puntland qondadeenna annaga ayaa maamullanayna, annaga ayaa rabnaa , si dadka reer Puntland ee halkan ka baxeysa u helno tiradoodda.. waxaan baaq gaar ah u diraya markan wasiirka Diinta iyo Awqaafta inuu ka soo baxo ballantii uu qaaday, haddii ay taas dhaci wayso waxaan u arkeynaa isdaba marin inay jirto.” ayuu yidhi Wasiir Cawil.

Habka loo maareynayo Xujayda ka baxaysa sannadkan Soomaaliya, ayaa muddooyinkii dambe ay doodo ka tagnaayeen, iyadoo Puntland sidan oo kale sannadkii hore uga hortimid sida ay dowladda federaalka ahi u maareynayso tirada Xujayda ka baxaysa dalka Soomaaliya.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.