Siyaasiyiin Mucaaradi Jiray Siilaanyo Oo Ka Aamusay  Muuse Biixi 

Hargeysa( Waaberi) Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ammaanay siyaasiyiinta aanu xukuumaddiisa ku darin ee aan mucaaradada kala hor iman. Waxa uu sheegay in siyaasiyiinta ka aamusan xisbi ahaan iyo xukuumad ahaanba sharaf u tahay waxaanu tusaale u soo qaatay wasiirkii caafimaadka xukuumaddii Siilaanyo Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye) oo madaxweynaha ku wehelinayay dhismeyaal cisbitaalka guud ah oo uu xadhiga ka jarayay.

Madaxweyne Biix oo ka hadlayay munaasibadda xadhig ka jaridda ayaa hadalkiisa u dhigay sidan “ Waxaan salaamaya muddakarka ka soo qayb galay halkan ee ajaanib leh ee Somaliland leh ee madax leh ee mijo leh, waxaan gaar u salaamaya bahda caafimaadka oo wasiirkoodu hoggaaminayo iyo maanta oo ay farxad inoo tahay wasiirkii hore Xaglotoosiye oo isna inagala soo qayb galay xafladdan, taas oo sharaf u ah Somaliland. Dadka kale waxaad aragtaan marka xilka laga qaado siiba siyaasiyiinta waa dudaan oo waa mucaaridi jireen, dhammaan wasiirradii halkan laga bedelay waxaa noo sharaf ah xisbi ahaan iyo Qaran ahaanba in nin waliba mushtamaca hawl uu u qabto halkii kaga beegnayd ka galay iyaga oo waayeel ah oo odayaal ahna maanta ay joogaan oo nala shaqaynayaan, marka Xaglotoosiyena waa ku mahadnaqayna iyo dhammaan wasiirradii hore ee sida wacan noola shaqeeya,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo si niyad samaan ah hadalkaasi ugu jeediyay wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo oo aanu badankooda wax xil ah u dhiibin inkasta oo ay ololihiisa door laxaad leh ka soo qaateen waxa kale oo ka aamusan siyaasiyiin miisaan leh oo xukuumaddii Siilaanyo mucaaradad adag kala hor tagay iyo kuwo bilawgii muddo xileedka Madaxweyne Biixi saluugsana.

Madasha

Siyaasiyiintii horraantii muddo xileedkii madaxweyne Axmed Siilaanyo sameeyay madasha wadatashiga iyo toosinta Qaranka oo mucaaradad ku dhammaystay cirmigii xukuumadda Siilaanyo ayaa ka aamusay hannaanka madaxweyne Biixi wax u wado. Siyaasiyiinta ahna mujaahidiintii SNM ee ay ka mid ka yihiin Xasan Guure Jaamac guddoomiyihii Madasha, Maxamed Xaashi Cilmi, Cabdisalaan Yaasiin, Dhegaweyne, Boobe Yuusuf Ducaale iyo xubno kale ayaa u muuqda in ay mus dambeed u yihiin madaxweyne Biixi lamana oga waxa ay ku kala jeclaysteen Mudane Axmed Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi oo ay ururkii SNM ka wada tirsanaayeen. Waxa xusid mudan in aanu madaxweyne Biixi wax xilal ah ka siin xukuumaddiisa. Waxa kale oo aamusnaanta ku weheliya siyaasiyiintan madaxweyne xigeennadii hore ee Somaliland oo aragtidooda ka dhiiban jiray arrimaha dalka xilligii Siilaanyo.

Geesta kale wasiirradii xukuumaddii Siilaanyo qaarkood oo bilawgii muddo xileedka madaxweyne Biixi mucaaradad ku ibo furay ayaa hadda u muuqda kuwo dib uga aamusay. Maxamed Ibraahin Qabo, Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye, Cabdillaahi Cukuse iyo xubno kale ayaa hormuud u ahaa siyaasiyiinta bilawgii dhalliilay hoggaaminta madaxweynaha iyaga oo u arkayay in uu ka tashaday markii ay kursiga saareen maaddaama ay kula soo ololeeyeen xilalkii xukuumaddii Siilaanyo.

Geesta kale waxay bulshadu is weydiinaysa siyaasiyiin mucaaradka ka tirsan xilligii Siilaanyo oo hadda aan la ogayn in ay mucaarad yihiin iyo in ay muxaafad yihiin maaddaama aanay warbaahinta ka soo muuqan. Telefishanka Saab oo dhawaan warbixin ku eegay siyaasiyiintaas ayaa sheegay in ay ka cudur daartan saxaafadda marka ay isku daydo in ay arrimaha dalka wax ka waydiiso lamana oga waxa ay xeerinayaan.

Wargeyska Waaberi oo arrintan u kuur galay ayaa fahansan in siyaasiyiinta qaarkood madaxweynuhu uga soo cawday hadallo ay saxaafadda ka sheegeen sidaasna ay ku go’aansadeen in aanay wax dhalliil ah saxaafadda ka sheegin. Siyaasiyiinta ayaa u muuqda in ay xorriyaddooda ku lumiyeen ixtiraam ay madaxweynaha u hayaan iyaga oo ka mildhaawaya in madaxweynuhu ka cawdo weedhahooda halka dadka siyaasadda odorosa aamminsan yihiin in siyaasiyiinta qaarkood rajo ka qabaan in madaxweyne Biixi magacaabo inta lagu gudo jiro muddo xileedkiisa, islamarkaana uu madaxweynuhu siiyay ishaaro ah in ay xil sugaan.

Xigasho Wargeyska Waaberi