Dowladda Qadar oo Soomaaliya Ugu Deeqday Gawaadhida Gaashaaman

Muqdisho (Aftahannews)-Dowladda Qatar ayaa ku wareejisay Wasaarradda Gaashaandhigga Soomaaliya tiradii ugu badnayd gaadiidka dagaalka.

Ilaa 68 gaadiidka gaashaaman ah ayay dowladda Qatar ku wareejisay dowladda Soomaaliya waxaa ay gaadiidkan ugu talagashay in ciidamada militariga dowladda Soomaaliya isticmaalaan xiliyada ay jiraan dagaallada.

Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa gaadiidkaan waxaa lagu  wareejiyay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Indhoqorshe,waxaana sidoo kale goobta ku sugnaa Wasiirka difaaca Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka socday dowladda Qatar ayaa sheegay in Gaadiidkan  loogu tala galay in Ciidanka Soomaaliya ay kula dagaallamaan dagaalyahanada Al-Shabaab, waana nooca ay adeegsaddaan Ciidanka AMISOM.

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal kula jirta dagaalyahannada Ururka Al-shabaab waxaana muuqata in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa militariga u baahnaayeen in ay helaan gaadiidkan oo kale oo ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan  xoogagga Al-shabaab.

 

Source: BBC Somali