Hanti-dhawrka guud ee Somaliland oo Albaabbada isugu dhuftay Xafiisyada Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ay Baadhis ka bilaabeen

Hargeysa (Aftahannews)- Saraakiil ka socda xafiiska Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland, ayaa galabta baadhis ka bilaabay xarunta dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa, iyada oo aan hawlgalkaas iyo waxa hadda kiciyey hanti-dharka midna la sii ogeyn.

Hanti-dhawrka guud xubnaha ka socday, waxay albaabbada u laabeen badi xafiisyada dakhli-ururinta iyo xafiisyadii kale ee ay ka hawlgeli jireen masuuliyiinta dowladda hoose oo ay ku jiraan xafiisyadii Maayarka, Ku xigeenka Maayerka iyo Xoghayaha fulinta ee dawladda hoose.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka;-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.