Kenya: Halkay ku dambeeyeen Dagaalyahannadii Huteelka Nairobi Saacadaha badan haystay?

HAWLGAL KA SOCDA HUTEELKLA AL-SHABAAB WEERARTAY 2019 EE NAIROBI
HAWLGAL KA SOCDA HUTEELKLA AL-SHABAAB WEERARTAY 2019 EE NAIROBI

Nairobi(Aftahannews):- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in la soo afjaray weerakii ka dhacay magaalada Nairobi shalay, dhammaan dagaallameyaashii weerarka soo qaadayna la dilay.

HAWLGAL KA SOCDA HUTEELKLA AL-SHABAAB WEERARTAY 2019 EE NAIROBI
HAWLGAL KA SOCDA HUTEELKLA AL-SHABAAB WEERARTAY 2019 EE NAIROBI

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dableey hubeysan, ayaa waxa ay shalay weerar ku qaadeen dhisme ganacsi oo ku yaalla degmada Westlands, oo ku taalla magaala madaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaas oo ay ku dileen 14 qof, sida ay baahisay BBC-da oo aannu warkan ka soo xigannay.

MADAXWEYNAHA KENYA UHURU KENYATTA OO KA HADLAY WEERARKA NAIROBI EE AL-SHABAAB 2019
MADAXWEYNAHA KENYA UHURU KENYATTA OO KA HADLAY WEERARKA NAIROBI EE AL-SHABAAB 2019

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Saraakiisha ayaa markii hore sheegay in weeraka la soo afjaray sacaado uun ka dib markii uu biloowday, balse saaka aroortii ayaa mar labaad waxaa la maqlayay dhawaqa rasaas iyo qaraxyo.

Ururka Al-shabab ee ka dagaallama Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka. Wali-se ma cadda tirada saxda ah ee dableyda soo weertay Hoteelka DusitD2.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta khudbad toos ah ka jeediyay telefishinnada maxalliga ah ayaa sheegay in 14 qof la dilay balse 700 oo qof oo kalena laga soo samata bixiyay dhismaha.

Balse hay’adda Laanqeyrta Cas ee kenya ayaa tirada dhimashada ku sheegtay iney gaareyso 24 ruux. Dadka dhintay waxaa ka mid ahaa muwaadin Mareykan ah sida ay sheegtay dawadda Mareeykanka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com.