Shaqaale ka tirsan shirkadda Hormuud oo lagu diley muqdisho

Breaking_news-5

Muqdisho (Aftahannews)-Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo aan hayb tooda la aqoonsan ay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ay toogasho ku dileen labo qof  oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud.

Dad ku suganaa goobta toogashadu ka dhacday ayaa warbaahinta u sheegay in labada nin oo wada socday mar kaliya ay weerar ku qaadeen rag bastoolado ku hubeysnaa kuwaa oo rasaas ku furay.

Labada  qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen shaqaalaha shirkadda isgaadhsiinta Hormuud xiliga la toogtay-na ku sii jeedeen masjid aan goobta ka fogayn.

Ragga dilka geystay ayaa baxsaday waxaana goobtaas xidhay ciidamada amaanka dowlada federaalka Soomaaaliya oo daqiiqado ka dib halkaas gaadhay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii sidan oo kale kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa howlwadeenada shirkada Hormuud.

Ilaa iyo hadda dhab ahaan looma oga sababta keentay in si gaar ah loogu bartilmaameedsado shaqaalaha Shirkadda Isgaadhsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkaddaha faca-weyn ee Soomaaliya.