Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland oo Arrin lama Filaan ah Isu Casilay

AGAASIMIHII GUUD EE WASAARADDA CADAALADDA SOMALILAND XUSEEN-LUCKY OO IS-CASILAY 2018
AGAASIMIHII GUUD EE WASAARADDA CADAALADDA SOMALILAND XUSEEN-LUCKY OO IS-CASILAY 2018

Burco(Aftahannews)- Agaasimihii guud ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Maxamed Maxamuud (Lucky), ayaa maanta is casilay, ka dib markii hadallo aan wanaagsanayn lagaga yidhi Madaxweyne Muuse Biixi hortiisa, waxaanu eedeen u jeediyey Madaxda sare ee dowladda.

AGAASIMIHII GUUD EE WASAARADDA CADAALADDA SOMALILAND XUSEEN-LUCKY OO IS-CASILAY 2018
AGAASIMIHII GUUD EE WASAARADDA CADAALADDA SOMALILAND XUSEEN-LUCKY OO IS-CASILAY 2018

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xuseen-Lucky, ayaa ka mid ahaa weftigii madaxweyne Biixi ee ku sugnaa magaladda Burco, haseyeeshee ma sheegin sababta dhabta ah ee uu isku casilay. “Waxaan xilkan agaasimaha Cadaalada hayey muddo ku siman sagaal bilood, sababta igu kaliftay inaan is casilo ayaa la is waydin karaa, waxaanan arkay nidaamkii dawliga ahaa ee dalka ka jira inuu noqday mid nidaam askari ah oo dhaqankii iyo haybadii dawladnimo lagu yaqaanay oo aad moodo inay gacanta ku hayaan koox aad odhan karto waa ciil qabayaal oo ninkii maalin eray ku yidhi ama ka qoray aan ilaawin oo ku aargoosanaya kursiga.”ayuu yidhi Xuseen Laki.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya Xuseen Laki isku casilay ka dib markii uu doonay inuu ka khudbadeeyo xadhig ka jarista jeelka Burco oo maanta uu madaxweyne Biixi fureyey balse loo diiday inuu ka hadlo, taas ayaa loo aanaynayaa inay sababtay inuu is casilo.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.