Sacuudiga oo jidh dila dumarka xuquuqda u dhaq-dhaqaaqa

Hargeysa (Aftahannews)- Sacuudi Carabiya ayaa jidhdil iyo tacaddiyo galmo la xidhiidha u gaysata dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, kuwaas oo ay ku jiraan tiro haween ah, sida ay sheegeen ururrada xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa.

Dadka ku xidhan xabsiga Dhahban ayaa la sheegay in koronto lagu qabtay jeedalna lala dhacay.

Dawladda Sacuudiga ayaa sannadkan horraantiisii xidhxidhay dumar xuquuda aadanaha u dhaqdhaqaaqa, culimo saamayn leh iyo aqoon yahanno.

BBC-d ayaa la xidhiidhay dawladda Sacuudiga si ay eedaymahan uga jawaabaan.

Sikastaba ha ahaatee, masuuliyiinta Sacuudiga ayaa wargayska Wall Street Journal u sheegay “in boqortooyadu aysan dhiirigalin isla markaasna ogolaanin in jidhdil la adeegsado.”

Aziza al-Yousef ayaa la sheegay in ay ka mid tahay dadka xiran ee xuquuqda dumarka u dhaqdhaqaaqa

Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa Salaasadii soo saaray war qoraal ah oo ay faahfaahin uga bixinayaan jidhdilka la sheegay in maxaabiista loo gaysto.

Dadka xuquuqda aadanaha u dhaqdhaqaaqa ee maxaabiista ah ayaan awoodin in ay socdan ama istaagan ka dib markii koronto lagu qabtay, jeedalna lala dhacay, warka Amnest ayaa lagu sheegay, qof wajiga soo duubtay ayaana la sheegay in uu tacaddi galmo u gaystay haweenay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ayaa sidoo kale ka hadashay dad koronto lagu qabtay “kuwo si qasab ah laabta laabta loogu saaray ka dibna la dhunkaday” arrimahaasina waxay ku dhaceen ugu yaraan saddex dumar ah.

 

SOURCE: BBC SOMALI