Madaxweyne Muuse Biixi Muxuu kula Dardaarmay Maamulka Dekedda Berbera?

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAAMULKA DEKEDDA BERBERA LA DARDAARMAY 2018.jpg
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAAMULKA DEKEDDA BERBERA LA DARDAARMAY 2018.jpg

Berbera(Aftahannews)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa awaamiir cusub faray Maamulka Dekedda Berbera ee hore Shirkadda DP World loogu wareejiyey, waxaanu kula dardaarmay inay nidaam cadaalad ah u maraan Maamul ahaan wax kasta oo lagama maarmaan u ah taabbo-gelinta dhismaha iyo casriyeynta Dekedda iyo isku-wadista Bulshada iyo ka faa’iidaysiga Khayraadka la wada leeyahay Dal ahaan iyo Dad ahaan.

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAAMULKA DEKEDDA BERBERA LA DARDAARMAY 2018.jpg
MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUUSE BIIXI CABDI OO MAAMULKA DEKEDDA BERBERA LA DARDAARMAY 2018.jpg

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweyne Biixi oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Berbera tan iyo shalay, ayaa maanta booqday qaybaha kala duwan ee Dekedda Berbera, isla markaana waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in Maamulka Dekeddu ku dhaqmo Sharciyan waxa ay dawladda Somaliland iyo Shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World laba sano ka hor iyo heshiisyada dambe ee dhammaystirka heshiisyada la xidhiidha wareejintii Maamulka iyo Maalgelinta Dekedda. Hase-yeeshee, Maamulka Dekedda looga baahan yahay inaanay Shirkaddu dibedda ka keensan Shaqo ay Muwaaddiniinta Reer Somaliland qaban karaan.

“Qoladiinna dekedda maamusha waxa la idinka rabaa halkaas wixii shaqo iyo qandaraas ka baxayaa inay caddaalad ku baxaan oo aanay cabasho kasoo noqonin, qoladanna (DP World ) waa in sidaa lagu kaantaroolaa oo ay sharciga lagu heshiiyo ku socdaan, ta labaadna wax Somaliland karayso oo qalab ama aqoon ah waa inaan cid kale keenin, waqtigana waa inaad ilaalisaan..”  sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka uu Madaxweynuhu kula dardaarmay Maamulka Dekedda Berbera, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.