Tahriibayaal la badbaadiyay oo diiday iney ka dagaan markab ku celiyay Liibiya

Hargeysa (Aftahannews)- Tobannaan qof oo muhaajiriin magangalyo doon ah, oo iyagoo naf la caari ah uu Markab xamuul ah ka badbaadiyay badda Mediterranean-ka ayaa diiday iney dagaan ka dib markii uu markaas ku xidhay dekad ku taalla Liibiya.
Qaar ka mid ah dadkan ayaa suxufiyiinta u sheegay iney dhimasho door bidi lahaayeen intii ay mar kale ku noqon lahaayeen Liibiya, halkaasoo ay sheegeen iney dad wax tahriibiya ugu afduubnaayeen laguna jidh dili jiray.
Markabka ayaa tahriibeyaashan geeyay magaalada Misrata 10-kii bishan Nofeembar ka dib markii uu ka badbaadiyay doon ay la socdeen oo ku sugneyd biyaha ka baxsan xeebaha galbeed ee Liibiya.
Qaxootigan ayaa la sheegay iney kasoo kala jeedaan dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya iyo koonfurta qaaradda Aasiya.
14 ruux oo ay kiu jiraan carruur aan lala soconin, hooyo iyo ilmo yar ayaa Arbacadii ka dagay markabka waxaana la geeyay xabsiyo ku yaalla gudaha Liibiya, hase ahaatee 77 ruux oo kale ayaa wali saaran markabkaasi, sida uu shaaciyay telefishinka Aljazeera ee uu fadhigiisu yahay dalka Qadar.

.
Shaqaalaha gargaarka ee hay’adda MSF ayaa dhaawacyo gubasho ah ka daweynayay dadka wali ku sugan gudaha Markabka.
8-dii bishan Nofeembar ayey ahayd markii Markab xamuul ah oo uu ka dul babbanayay calanka dalka Panama uu ka daad gureeyay doon ay saarnaayeen, wuxuuna labo cisho ka dib gaadhay dekedda magaalada Misrata.
Bayaan ka soo baxay qaramada Midoobay oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee AFP ayaa lagu sheegay in qaxootigan ay u kala dhasheen dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Suudaanta Koonfureed, Baakistaan iyo Bangaladheesh.
“Sidey ku dhici kartaa inaad i dhahdaan ka dag markabka oo Liibiya iska joog?, waan oggolnahay inaan aadno meel walba oo kale, laakiin Liibiya ma rabno” ayuu yidhi wiil reer Suudaan ah oo ka mid ah dadka qaxootiga ah, xilli uu la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.
Wiilkan oo lagu magacaabo Biktor, oo 17 sano jir ah ayaa sheegay in walaalkiis iyo saaxiibkiisba ay ku dhinteen gacanta dadka wax tahriibiya ee ku sugan xarun lagu magacaabo Bani Walid oo ku taalla Koonfurta magaalada Tripoli.
Tahriibayaasha ayaa Aljazeera u sheegay iney u maleynayeen in loo qaadi doono jasiiradda Malta, markii ay markabka soo fuulayeen.
“Dadkoo dhan hadda waxay leeyihiin ma dooneyno inaan bannaanka u baxno inaan halkan ku dhimanno mooyee”, ayuu yidhi Kai oo 18 jir ah kana soo jeeda Suudaanta Koonfureed.
Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa Jimcihii sheegtay inaan loo baahneyn in dadka lasoo badbaadiyay lagu khasbo iney Liibiya ku laabtaan.
“Xeerka caalamiga ah wuxuu qabaa inaan qofna lagu khasbi karin meel ay naftiisa halis ku galeyso” ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Amnesty.
Liibiya ayaa ah waddanka ugu weyn ee ay tahriibeyaasha sii maraan marka ay u sii tallaabayaan dalalka qaaradda Yurub.

Source: BBC SOMALI