Qaramada Midoobay: Dhuxusha waxaa laga dhoofiyaa Kismaayo

Muqdisho (Aftahannews)- Al-Shabaab ayaa ku naallooneysa dakhli badan oo uga soo xarooda dhuxusha laga dhoofiyo Koonfurta Soomaaliya, iyadoo ay halkaas joogaan ciidamada milatariga ee midowga Africa, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa warbixin hore ku shaaciyay in dekadaha dhuxusha laga qaado ay ku yaallaan magaalooyinka Kismaayo iyo Buur Gaabo, waxaana magaalooyinkaas si buuxda u jooga ciidanka Kenya ee ka hoos shaqeeya howlagalka Midowga Africa ee Soomaaliya, ee Amisom.

Warbixintan cusub ayaa lagu sheegay in kooxda daba galka ee qaramada Midoobay “aysan gacan ka helin Amisom” markii ay bishii Luulyo ee sannadkan isku dayayeen iney wax ka ogaadaan howlaha dhoofinta dhuxusha ee dekedda Kismaayo.

Qiyaas ay sameeyeen khubarada qaramada Midoobay ee kormeera Soomaaliya iyo Eritrea ayaa lagu sheegay in Al Shabaab ay ganacsiga dhoofinta dhuxusha ka qaaddo canshuur ayna ka sameyso lacag dhan ugu yaraan $7.5 malyan oo doolar.

Canshuurtaas ayaa, sida lagu sheegay warbixinta, waxaa lagu qaadaa baro koontarool oo ku yaalla gobollada jubbada dhexe iyo jubbada hoose.

Kooxda dabagalka ayaa sheegtay in dhaqaalaha faraha badan ee Al Shabaab uga soo xarooda ganacsiga dhuxusha uu u suurta galiyo iney howlohooda sii wadaan.

Canshuurta Jubbaland

.

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sidoo kale la sheegay in uu dakhli uga soo xaroodo dhoofinta dhuxusha, oo ah ganacsi horay loogu mamnuucay qaraar ka soo baxay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

“Baaritaanno ay sameeyeen kooxda dabagalka ayaa lagu ogaaday in ganacsiga sharci darrada ah ee dhoofinta dhuxusha uu canshuur ka qaado maamulka Jubbaland, iyagoo halkii jawaanba ku canshuura lacag ka badan $5 doolar, waxaana sannad walba maamulka Jubbaland uga soo xarooda lacag dhan $15 malyan oo doolar” ayaa lagu yiri war bixintaas oo Arbacadii la hor geeyay golaha amaanka.

Kooxo dambiileyaal ah oo fadhigoodu yahay Kismaayo iyo magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka carabta ayaa saami weyn ku leh lacagtaas, sida lagu qeexay warbixinta.

 

Source: BBC SOMALI