Qof ku dhintay Qarax ka dhacay dulleedka Muqdisho

Breaking_news-5

Muqdisho (Aftahannews) -Wararka ka imanaya deegaanka Weydoow ee dulleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax halkaa ka dhacay uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawaca qof kale.

Sida laga soo xigtay goobjoogayaal dadka deegaanka waxaa qaraxa lala eegtay  gaadhi nooca raaxada ah oo Prado loo yaqaan oo uu watay nin ku lebisan  dirayska ciidamada Soomaaliya waxaana ku geeriyooday shaqsiga gaadhiga qaraxa lala eegtay watay.

Wararka ayaa intaas ku daraaya in gaadhiga qaraxa lala eegtay uu ka sii baxaayey Muqdisho oo uu dhankaa iyo ceelasha kusii wajahnaa.

Ciidamada dowladda Soomaaliya aya tagay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna sameeyeen baadhitaan ku aadan sida ay wax u dhaceen.