Maxkamad Jarmal  Oo Diidday Racfaan Uu Qaatay Qof Dad Cun Ah

Hargeysa (Aftahannews)-Maxkamad Jarmal ah ayaa xukun ku ridday Engineer Jarmal ah oo qof ka codsaday dilay, kadibna hilibkiisa cunay, dhacdo argagax ku noqotay gudaha Jarmalka, in kasta oo ay jirto inuu 15 sano xabsi ku qaatay, ayaa hadana racfaan uu qaatay Armin Meiwes waxaa ka soo diidday maxkamadda Frankfurt, si xukunka xabsi daa’imka looga khafiifiyo.

Sheeko argagax ku beertay dad badan oo Jarmalka, Meiwes, ninka uu qashay oo la odhan jiray Bernd-Jurgen Brandes, waxa uu ka helay Internet-ka, waxa uu ahaa maamule Information technology ku shaqeysta,  Baraha-bulshada ayuu ku faafiyay ogaysiis uu ku codsanayo “Qof noloshiisa soo afmeera oo aan wax raad ah kaga tagin”

Brandes ayaa tarreen u raacay si uu ula kulmo Meiwes oo ku sugnaa deegaanka Rotenburg ee galbeedka Jarmalka. Marso, 2001, Meiwes ayaa isa sawiray isagoo xubinta taranka ee Bernad ku jaraya middi, inta aanay labadan nin isku dayay inay xubintaa si wadajir ah u cunaan.

 

Brandes, wuu miyir-daboolmay, markii uu dhiig fara-badani uu ka baxay, waxa uu ku fashiisiyay kursi, kadibna waxa uu ka jaray qoorta.

Jidhkii ayaa waxa uu suray maqaalinta hilibka la suro, 30kiilo oo hilibka ka mid ah ayuu ku guray kiishash, qaar ka mid ahna waxa uu ku cunay kaabash iyo baradho!.

Maxkamad Jarmal ah, ayaa  Meiwes ku eedaysay inuu gaystay dil khalad ah oo aan ula kac ahayn, waxaana ku xukuntay xabsi 8-sano ah 2004.

Laakiin, maxkamadda Frankfurt, ayaa sanadkii 2006, xukunkii hore ka laashay, waxay maxkamaddu diidday in  Meiwes uu dilka u gaystay codsi uga yimi dhibanaha oo ogolaa in la cuno, waxkamaddu waxay sheegtay inuu yahay qof nafsiyan u buka, laakiin waxa uu samaynayay uu kas cad u sameeyay.