Millateriga Itoobiya oo Jigjiga Ka Qafaashay Madaxweynihii Is-casilay ee Dawlad-deegaanka Soomaalida

Jigjiga(Aftahannews)- Wararka naga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka qabteen, Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa inoo xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.

Intii aan la qaban ka hor, ayaa la sheegay in Guriga uu Cabdi Maxamuud Cumar ka degganaa Jigjiga inay isku xeereen Ciidammo illaa Lix kun oo Askari qiyaasta Tiradooda lagu sheegay, isla markaana ku gaashaaman Gaadiidka Millateriga iyo Hubka noocyadiisa kala duwan, iyaga oo gaadiidkoodu isugu jiray Diyaarado iyo Tignikada Ciidammada, waxaanay markii ay qabteen saareen Diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo ay ugu qaadeen dhinaca magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, sida ay Wararka la xaqiijiyey ee Jigjiga laga helay sheegeen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Cabdi Maxamuud Cumar ay militariga u kaxaysteen magaalada Addis Ababa. Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay. Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.