Hooyo Soomaaliyeed iyo Carruur ay Dhashay oo lagu Dilay Diri-dhaba – Warbixin Murugo leh & Baaqa Jabuuti

DAD SOOMAALI AH OO DOONAYA INAY KA QAXAAN DIRI-DHAWA

Diri-dhawa(Aftahannews):- Magaalada Diri-dhawa ee dalka Itoobiya, waxaa shalay ka dhacay rabshado ay ku dhinteen Dad Soomaaliyeed, waxaana Dadkaasi ka mid ah Qoys Reer Jabuuti ah oo ka koobnaa Hooyo iyo Afar Carruur ah oo ay dhashay, waxaanay shantaa Ruux qayb ka yihiin Sagaal Qof oo Reer Jabuuti ah oo Warbaahintu tebisay in Diridhaba lagu dilay..

DAD SOOMAALI AH OO DOONAYA INAY KA QAXAAN DIRI-DHAWA

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Axmed Buuni, oo ka tirsan Ehelka Hooyada iyo Carruurta la dilay, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da la xidhiidhay isagoo ku sugan magaalada Zurich ee dalka Switzerland, waxaanu ka warramay sida ay wax ugu dhaceen Qoyskoodaas.

Arrintaas ayaa sababtay inay Dawladda Jabuuti Dadkeeda ku sugan Diri-dhawa iyo meelaha kale ee Itoobiya ee Oromadu degto inay dhaqdhaqaaqooda koobaan, isla markaana isugu yimaaddaan Xarunta Qunsuliyadda Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Itoobiya ay ku leedahay Diri-dhawa, halkaas oo ay Diyaarad doonayso inay kaga daad-gurayso Dadkeeda u xagaa-baxay Diri-dhawa iyo nawaaxigeeda.

Haddaba, Waraysigaas uu Axmed kaga hadlay Dhacdada Murugada leh ee Qoyska ay ehelka ahaayeen la soo gudboonaatay iyo siday u dhacday iyo weliba Qaabka loo laayey Hooyadaas iyo Carruurteeda, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Qaybta Raadyaha ama Codadka ee Aftahannews.com, waxaanad kaga bogan kartaan liidkan madawga ah ee hoose ee dhegaysi habboon:-

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.con

Hargeysa/Somaliland.