Madaxweyne Muuse Biixi oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyey Gabiley iyo Hoyashadiisa Caawa Gabiley – Warbixin + Sawirro Bilic leh

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SI DIIRRAN GEBILAY LOOGU SOO DHAWEEYEY 2018

Gabiley(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti la socda, ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley Maanta, halkaas oo uu Caawa u Hoyday, ka dib markii uu isla maanta ka soo ambabaxay magaalada Boorama oo uu xalay u hoyday, ka dib markii uu shalay ka qaybgalay Qalin-jebintii 17-aad ee Jaamacadda Camuud ee Duleedka Boorama.

MADAXWEYNE MUUSE BIIXI OO SI DIIRRAN GEBILAY LOOGU SOO DHAWEEYEY 2018

Afhayeenka Madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac oo Weftiga la socda, ayaa ka hadlay qaabka Madaxweynaha loogu soo dhaweeyey Gabiley, sida lagu sheegay War Qoraal ah oo Warbaahinta Madaxtooyada ka soo baxay, kaas oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sitan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo kasoo laabtay hawlo shaqo oo ay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal u tageen, ayaa magaalada Gabiley iyo tuulooyinka dhinaca galbeedka ka xiga waxa ku qaabilay mawjado dadweyne ah caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, kuwaas muujiyey sida ay ula dhacsan hoggaamintiisa iyo horumarka uu qaranka ku hagayo.

Madaxweynuhu waxa uu dhex lugeeyey kumannaan katirsan shacabka reer Gabiley oo isugu jira, waayeel, waxgarad, aqoonyahan, siyaasiyiin, haween iyo dhallinayaro, kuwaas oo dhaweyntiisa isugu soo baxay, si uu ula wadaago dareenka soo dhaweynta iyo farxadda isugu jira ee ay ku qaabileen.

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo soo dhaweynta kaddib warbaahinta u faahfaahiyey ujeeddada safarka madaxweynaha ee gobollada galbeedka iyo hannaanka soo dhaweynta lagu qaabilay, ayaa waxa uu yidhi, “Ujeeddada safarka madaxweynaha ee gobollada Galbeedku waxa ay daarran tahay sidii uu ugu guur-geli lahaa xaaladaha ka jira gobollada Galbeedka, hannaanka geeddiga horumarkana uu u xaqiijin lahaa, iyada oo ay deegaannadaas ka socdaan mashaariic horumarineed, kuwaas oo safka hore kaga jira siyaasadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.”

Af-hayeenku waxa uu ka warbixiyey qorsheyaasha madaxweynaha ee muddada uu safarkiisa ku dhex jiro, waxana uu hoosta ka xarriiqay inuu kulamo uu xaaladda deegaannadaas ugu kuur-gelayo la qaadan doono waxgaradka iyo masuuliyiinta gobolka, “Inta uu madaxweynuhu ku sugan yahay gobolka Gabiley waxa uu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, hay’adaha dawladda, si uu u xaqiijiyo hawlaha horumarineed ee xukuumaddu ka waddo gobolka gabiley,” ayuu yidhi af-hayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac.” Sidaa ayaa lagu yidhi War-ka Qoraalka ah ee Madaxtooyada naga soo gaadhay.

aftahanicn@gmail.com

Aftahannews.con

Hargeysa/Somaliland.