Siyaasi Mustafe Shiine oo Dhaliilay Xogta uu Adeegsaday Xildhibaan Musuq ku eedeeyey Masuuliyiin Xukuumadii Siilaanyo ka tirsanaa

Hargeysa (Aftahannews)- Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise “Shiine” oo hore xilal badhasaabnimo uga soo qabtay Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa uu si adag dhaliilay xog uu adeegsaday Gudoomiyaha Gudida ilaalinta hantida qaranka ee golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Naasir Cali Shire oo Eedo Musuq maasuq ku eedeeyay masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii Siilaanyo.

Siyaasi Mustafe Shiine oo arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.”Axmed X.Daahir waan la qabaa difaaca uu la yimid, waa raganimo cida la eedeeyaa inay iska baraxdo ama qirato waxa lagu eedeeyay, Xildhibaan Naasir waan daawaday warbixintiisii manay ahayn mid ku fadhiday hufnaan iyo xaqiiqooyin la taaban karo, mararka qaarna waxaaban odhan karaayaa ma dhamaystireyn baadhistiisu. Qodobada aan ku duudsiinaayona waxa ka mid ah. 1,xildhibaanku waxa uu musuqmaasuq ku sheegay mashaariic horumarineed oo hirgalay lacagta la doonaba halagu bixiyee waxa musuq ay noqonaysaa marka aan la marin hay’dihii dawlada ee ku shaqada lahaa, isla markaana aanu bixin awooda isticmaalka dhaqaalahaasi masuulka ay khuseyso, sida madaxweyne ama cida uga ah hay’adaa gacan yaraha sida Wasiir,gudoomiye ama maareeye ama kuwa kale ee hadba heerka ay hay’adu gaadhsiisan tahay.

Mashaariicda uu musuqa ku sheegay waxa ka mid ah Iskuulo, saldhigyo boolis iyo garoomo cayaareed oo laga hirgeliyay gobolka Sool intii aan Badhasaabka ka ahaa, kuwaasi oo maamul ahaan aanan masuul ka ahayn dhinaca kharash bixinta, balse curinta mashaariicda iyo dabagalka kuwa ay xukuumaddu balanqaado ayaanu ku lahayn waxaanan hubinaynay oo keliya in mashaariicdaasi la siiyay cid u qalanta oonu ku daba galo, waxana dhamaan la mariyay guddida qanadaraasyada qaranka, waana ku amaana yihiin madaxweynihii iyo wasiiradii fududeeyay ee ay u horeysay Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Maxamuud Xaashi Cabdi. 2.waxa uu dulmaray lacago la siiyay meelaha qaar oo ay ku jiraan kuwo guddidooda joogtada ah la siiyay oonu hoos u gelin. 3. Marna ma xusin lacagta loo yaqaan dhaameelka ee boqolaalka kun ee dollar ah ee golohoodu qaatay intii ay jireen een ogaa inta ay ku qaateen ansixintii DPworld iyo Saldhiga milatery ee Berbera kuwii ay ugu danbeeyeen. 4.waxa uu eedeeyay wasiirkii Hawlaha guud, isagoo u cuskaday doodiisa war uu ka helay qandaraasle dhisaayay xabsiga Burco, isagoo sheegay in lacagtii lagu heshiiyay iibkii liinka booliska ay ka dhinayd $370000,taasi oo sida loogu sheegay $300000′ laga dhaafay shirkada Dahabshiil oo laga iibiyay xildhibaanku ma soo bandhigin waraaqaha cadaynaaya heshiiska hore ee lagu iibiyay iyo warqada lagaga dhaafay muwaadinka lacagta $300000, taasi oo ay xukuumadu xaq u lee dahay inay ka dhaafto inta ay doonto, cida ay doonto,balse keliya la doonaayo in la hubiyo cida ka daysay inay awoodaa sharci lahayd. Xildhibaan Jiib noom Taani, ummadda marka aad musuqa iyo mooshin ku noolaanshaha aad ka daysaan u soo bandhig wixii laga xaday oo aad sharci ka hayso inay wax jira oon muhmal ahayn. Ma diidani in sharciga la ilaaliyo oo cida musuqmaasuq lagu helo la sheego, sharcigana la keeno, balse waa inay xaqiiq tahay oon muhmal ku jirin, waxaanan lee yahay iyadoo markhaatiya cad leh soo bandhig inta madaxweyne walba uu xilka hayo, may marka uu tiriyo. Habartii la yaabtay mid hadlayna ooy ceebo ku ogayd waxay tidhi “Afna daayoo “. Wakiiladu yaanayba waxaa ka hadlin inta ay mooshinada duuduub ku ansixinayaan oo, iyadoo la ogaa inay doodii kaga soo horjeedeen ay haddana labada gacan ku ansixinayaan”.

 

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.