Golaha Ammaanka oo ansixiyey inay Soomaaliya Hub soo iibsan karto iyo Amnesty oo ka digtey

New Yor(Aftahannews):- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ansixiyey inay dawladda Federaalka Soomaaliya Hubka noocyadiisa kala duwan ka soo iibsan karto Suuqyada Qalabka Millateriga ee caalamka, iyaga oo ku lifaaqay shuruudo adag oo lagu ilaalinayo qaabka isticmaalkiisa, kaasoo ay Hay’adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International ka digtay.

cuna-qabataynta-hubka

Go’aanka Fasaxaadda Hubka ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Shalay gaadhay:

Gollaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa shalay isku raacay in lagu kordhiyo siddeed bilood muddadii fududeynta cuna-qabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya, inkastoo shuruuc adag lagu maamuli doono soo iibsashada, diiwaangelinta iyo xafididda Hubkaas.

Safiirka Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mark Lyall Grant, oo Xukuumaddiisu soo qabanqaabisay qaraarkan ayaa u sheegay warbaahinta in shuruucda maamulka hubka soo iibsigiisa loo oggolaaday Soomaaliya si waadax ah u caddeynayaan in Xukuumadda Soomaaliya raacdo dabarka adag ee ilaalinta iyo ka warhaynta hubka ay soo dejiso.

“Dabarkan waxa ujeeddadiisu tahay, Hubinta inaan hubkaasi gelin gacmaha shabaab. Halista in Hubku gaadho gacmo ka baxsan Xukuumadda waa mid jirta.” Sidaa ayuu yidhi  Lyall Grant oo muujiyey in Xukuumadda Soomaaliya ballan-qaadday buuxinta shuruudaha lagu xidhay.

Dalabka Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Amnesty International:

Kordhintan shalay ka hor ayey Hay’adda xuquuqda Aadamaha ee Amnesty ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in si buuxda cuno-qateynta Hubka ugu soo rogaan Soomaaliya. Agaasime Ku-xigeenka Hay’adda u qaabbilsan Afrika, Michelle Kagari, ayaa sheegtay in haddii cuno-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya ay sii kordhi karto xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqul aadamaha ee ka dhacaya Soomaaliya.

“Haddii la oggolaado in hub badani uu galo Soomaaliya waxay arrintaasi horseedi kartaa masiibo, sidaa darteed waa in Golaha Ammaanka uu si buuxda ugu soo rogo Soomaaliya cuno-qabteynta hubka si ammaanka dalku aanu faraha uga bixin.” ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saartay Amensty International.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku sheegtay in muddadiii u dhexaysay 2012-kii illaa 2013-kii ay sare u kacday tirada dhimashada dadka rayidka ah marka la barbar dhigo sannakii ka horreeyay ee 2011-kii.

Qafiifiinta cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya oo sannadkii hore la meel-mariyay ayaa ahaa mid lagu qiyaar-geliyay dowladda Somalia inay hub soo iibsato, balse muddo kordhintan ayaa ka duwan tii hore, iyadoo dowladda lagu koontaroolayo hubka ay keenasanayso.

Walaaca arrintan ayaa waxaa kordhiyay markii hay’adda Amnesty International oo u xuquuqaha aadanaha u doodda ay saacado ka hor kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka yeelanyeen cunno-qabteynta hubka ee Soomaaliya ay codsatay in Soomaaliya la saaro cunno-qabateyn hub oo dhameystiran.

Aftahannews.com

aftahaninc@gmail.com

Hargeysa/Somaliland.