Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Puntland oo Dil ku xukuntay Eedeysanayaal ka tirsanaa Ciidamada Maamulka

Garowe(Aftahan News)_Maxkamada Ciidmada qalabka sida ee Puntland ayaa Xukun dil iyo xarig isugu jira ku xkuntay eedeysanayaal ka tirsanaa Ciidmaada Dowlada Puntland,kuwaas oo lagu eedeeyay inay dil iyo dhac u gaysteen dad rayid ah.

125

Eedeysayaasha Maxkmada la horkeenay ayaa kala ah;-

1-  Maxamed Muuse Faarax.

2-  Abshir Axmed Yaasiin

3-  Sharmaarke Cali Xorxore

4-  Iyo Cabdixakiim Salaad Yaasiin

Xeer Illaaliyaha Maxkmada Ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa Maxamed Muuse Faarax ku eedeyay inuu 22/1/2013 uu dil u gaystay Marxuum Cabdirashiid Muuse Maxamed,halka Abshir Axmed Muuse ay Maxkamadu ku eedeysay inuu dhac u gaystay dad rayid ah.

Eedeysanayaasha kala ah;- Sharmaarke Cali Xorxore iyo Cabdixakiim Salaad Yaasiin ayaa ku eedeysnaa dilka EEBE ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Salaad Saalim.

Eedeynta Xeer Illaalinta ka dib ayaa Guddoomiyaha Maxkmada Ciidamada qalabka sida ee Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay Go’aanka Maxkmada;-

1-Maxamed Muuse Faarax ayaa Maxkamdu ay ku xukuntay dil toogasho,halka Abshir Axmed Yaasiin ay Maxkamdu ku xukuntay 10-sano oo xarig ah.

2-Sharmaarke Cali Xorxore ayaa Maxkamadu ay ku xkuntay Diltoogasho,halka Cabdixakiim Salaad Yaasiin ay Maxkamadu xoriyadiisa siisay,ka dib markii lagu waayay eeda loo haystay ee salka ku haysay inay wada dileen EEBE ha u naxariistee Yuusuf Salaad Saalim,waxaana Maxkamadu baaritaan ay samaysay ay ku ogaatay inuu dilka u gaystay Marxuum Yuusuf Salaad Saalim,Dambiile Sharmaarke Cali Xorxore.

Gobolada Puntland ayaa waxa ka shaqeeya sharciga,waxaana rayid iyo Mas’uul ka sareeya Sharciga.

Si kastaba ha ahate,ma aha markii ugu horaysay oo Maxkmada Ciidmada qalabka sida ee Puntland ay Xukun ku rido Aaskar ka tirsanaa Ciidamada Puntland.

1432
5

 

Aftahan News

Garowe/Office